11/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 17, 2016
Wasiirka Amniga Puntland oo Digniin u diray Somaliland


Axad, July 17, 2016 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa waxaan loo dul-qaadin karin ku Tilmaamay Dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo kuwa Doorasho oo Somaliland ay ka bilowday qaybo ka mid ah Gobolka Sanaag oo labada maamul ay ku muran-san yihiin.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo warbaahinta kula hadlay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in ay ka war-hayaan in meelo kamid ah gobolka Sanaag oo ay Puntland maamusho laga bilaabayo diiwaan-galin uu ku sheegay in ay khatar ku tahay amniga gobolka.

 “Waxaan u sheegaynayaa Shacabka Soomaaliyeed ee aynu Dariska nahay - in aan loo baahnayn Dhiig Soomaaliyeed oo daadata, Sidaa daraadeeed waxaan ugu baaqaynaa in Somaliland ay ka laabato daan-daansiga qaawan ee ay ka wad-do gobolka Sanaag “ ayuu yiri wasiirka oo si adag uga hadlay arintan.

“Dad-weynaha Puntland wixii daan-daansi ah oo xuduudaheeda ah dhinac kasta ha ahaatee nabad ka qaadan mayaan ,waxaanse idiin ii sheegayaa in  cid kasta oo Puntland ku soo xad-gudubtay in aysan waxba ka faa’iidin “ ayuu mar kale wasiir Qarjab.

Sidoo kale, Wasiirka wuxuu madaxda Somaliland ugu baaqay in la ix-tiraamo Daris-wanaag-ga ,isla markaana laga fogaado wax kasta oo dib u hurin kara colaad dhex-marta Dad Soomaaliyeed ,iyadoo khilaafka xuduudaha ee labada dhinac uu ahaa mid taagan tan iyo asaaskii Puntland.

Ugu dambeyn, Khilaafkan ayaa aad loo dareemaa xilliyada ay soo dhaw yihiin doorashooyinka labada dhinac, lamana oga sida uu ku dhamaan doono ,waxaana aad looga hadal hayaa gudaha Puntland.

Faysal Mohamad Boston
[email protected]