10/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 10, 2016
Dhawr Ruux oo Shuban-biyood ugu Geeriyooday Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan


Axad, July 10, 2016 (HOL) — Inta la xaqiijinayo ilaa sagaal qof ayaa cudurka suban-biyood ugu geeriyootay deegaanno hoos-taga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Warka ku saabsan Dhimashada dadkaan, Waxaa Warbaahinta u Xaqiijiyay, Dr. Axmed Maxamed Khaliif oo ah Agaasimaha guud ee isbitaalka Beledweyne oo sheegay in dadka geeriyooday isugu jireen carruur iyo dad waaweyn, isagoo intaa ku darray in 600 oo qof cudurkan soo ritay tan iyo Daba-yaaqadii Bishii May.

Agaasimaha, ayaa Xusay inay dhici karto in Dhimashadu intan ka badan tahay Madaama ay jiraan Dad aan la soo gaarsiin Goobaha Caafimaadka oo laga yaabo in ay ku dhinteen guryahooda.

Agaasimaha ayaa kula taliyay Dadka deegaannadaasi in ay iska kar-kariyaan biyaha ay cabayaan, Qofkii uu shuban ku dhacana la siiyo milan ka kooban galaas biyo ah oo lagu darro 3 qaaddo oo sokor ah iyo qaaddo cusbo ah.

Ugu dambeyn, Dr. Axmed ayaa sheegay, xanuunka shubanka ayaa gobolka ka dillaacay wixii ka Dambeeyay bishii May ee Sanadkan, markii uu wabiga Shabeelle ku fatahay Beledweyne iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya