10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 9 , 2016
Suuq laga hirgaliyay xaafadda Buundo-weyn ee Baladewyne oo Xarigga laga Jaray (SAWIRRO)


Sabti, Janaayo 09, 2016 (HOL) — Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Degmada Beledweyne, ayaa maanta xarigga uga jaray suuq ganacsi oo laga hir-geliyay Xaafadda Buundo-weyn ee magaalada Beledweyne.

Suuqaan ayaa waxaa si wadajir ah xarigga uga jaray guddoomiye ku-xigeenka maaliyadda magaalada Beledweyne, Bashiir Xuseen Dhoore iyo Duqa Degmada Baladweyne, Cumar Aadan Baadiyoow, waxaana goob-joog ka ahaa mas'uuliyin ka tirsan maamulka degmada, taliyaha qaybta booliiska Beledweyne iyo qaar ka mid ah ganacsatada magaalada.

Ganacsatada Baladweyne oo qaarkooda ka hadlay suuqa laga hirgaliyay xaafadda Buundo-weyne, ayaa sheegay in ay si weyn u soo dhaweynayaan Suuqaan oo wax weyn ka taraya ganacsiga xaafadda, bilicda iyo amniga badeecada kala duwan ee lagu waddo in lagu iibiyo suuqa cusub.

Taliyaha booliska Baladweyne, Col. Cali dhuux Cabdi Mahad-Alle ayaa isna sheegay in ka booliis ahaan ballan-qadayaan in ay ka shaqeeyaan nabad-galyada suuqaan maanta xarigga laga jaray, iyagoo kaashanaya dadweynaha ku dhaqan xaafadda Buundo-weyn.

Guddoomiye ku-xigeenka dhanka maaliyadda Baladweyne, Bashiir Xuseen ayaa sheeagy in suuqan maanta xariga laga jaray uu ka kooban yahay 103 dukaan islamarkana bulshada ku dhaqan  Xaafadda looga bahan yahay in ay ilaashadan suuqa.

Ugu dambeyn, goobta laga hir-geliyay suuqaan cusub oo markii hore ahayd dhul bannaan oo lagu cayaaro kubada ayaa wixii hadda ka danbeeya waxaa ka faa'ideysan doona dadka ku dhaqan xaafadda Buunda-weyn iyo xaafaddaha kale ee ku dhaw dhaw oo lagu waddo in ay ganacsiyo kala duwan ka sameystaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya