1/6/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 5 , 2016
Sanad dugsiyeedka cusub ee Kenya oo ku furmay muran u dhaxeeya Gudiga TSC iyo Macalimiinta


Talaado, Janaayo 05, 2016 (HOL) —Muddo-xilliyeedka koowaad ee Sannad-dugsiyeedka cusub ee dalka Kenya ee 2016-ka, ayaa sannadkaan wuxuu ku bilaabanayaa iyadoo khilaaf xoogan uu mar kale soo kala dhex galay Guddiga Adeegga Macallimiinta ee magaciisa loo soo gaabiyo TSC (Teachers Service Commission) iyo Ururada Macallimiinta dalka Kenya ee KNUT iyo KUPPET.

Khilaafkan ayaa ka billowday amar uu soo saaray Guddiga TSC oo lagu sheegay in hadda kaddib Macallimiinta Iskuulada dowladda Kenya ay maamusho, ayna ku shaqeyn doonaan kunturaadyo lagu qiimeeynaayo heerkooda aqooneed ee waxbaridda ardayda, taasoo ay ka soo horjeesteen macallimiinta.

Lydia Nzomo oo ah guddoomiyaha TSC, ayaa warbaahinta u sheegtay in Guddigoodu uu bilaabi doono qiimeyn ku saabsan tayada iyo heerka Macallimiinta Iskuulada, sida ku cad wareegto loo diray Dugsiyada dowladda bishii aynu soo dhaafnay.

Muranka u dhaxeeyo labada dhinac, ayaa sababay in aanan la saxiixin heeshiiska fikarada cusub ee TSC-du ay sooo bandhigtay.

Muranka, ayaa sidoo kale wuxuu imaanayaa iyadoo imitaxaankii dhawaan la shaaciyay ee dugsiyada hoose/dhexe ee waddanka Kenya (KCPE), lagu sheegay in heerka waxbarasahda Dugsiyada dowladda ay sannadkii la soo dhaafay ka hooseeyeen Iskuulada sida gaarka ah loo leeyahay ee Private-ka, taasoo wasiirka waxbarashada Kenya uu ku sheegay iney sabab u ahayd dibadbaxyadii ay macallimiintu shaqada ku joojiyeen bishii September ee sanadkii aynu soo dhaafnay.

Dhanka kale Waaliddiinta dhalay Ardayda oo furitaanka xilli-dugsiyeedka cusub ee 2016-ka ku mashquulsanaa iibinta Buuggaagta iyo Dharka Iskuulka ee caruurtooda, ayaa walaac ka muujiyay murankaan cusub ee soo kala dhex-galay Guddiga adeegga macallimiinta iyo waliba Barayaasha.

Ugu dambeyn, ururka Qaran ee Midowga Macalimiinta Kenya ee KNUT iyo Ururka kale ee KUPPET (Kenya National Union of Teachers), ayaa ugu baaqay macallimiinta inay iska indha-tiraan qorshaha saxiixa heeshiisyada la soo bandhigay.

Xog’hayaha guud ee ururka KNUT Wsilson Sossion, ayaa sheegay in tallaabadan cusub ee TSC-du ay weydiisayo macalimiinta ay tahay mid sharci darro ah oo aanan dastuurka dalka waafaqsaneyn.  

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya