Dowladda FS oo WFP uga digtay inay Gargaarka ku soo Beegto Xilliga ay Beeruhu soo Go’ayaan
Talaado, Janaayo 05, 2016 (HOL) — Xukuumadda Federaalka Somalia ayaa ku eedaysay dhawaan hay’adda beeraha iyo cunnada adduunka ee WFP inay Gaar-gaarka kusoo beegto xilliga uu dalaggu u soo go'ayo beeralayda Soomaaliyeed.
Wasiir ku xigeenka Beeraha Somalia, C/casiis Saalax Carmaan oo maanta VOA-da siiyay wareysi isagoo ku sugan London ayaa sheegay in tallaabooyinka hay’adda WFP ay niyad-jab ku tahay beeraleyda Soomaaliya. Inkastoo bishii hore ay dowladda Soomaaliya WFP u cusboonaysiisay heshiiska ay uga shaqeynayso Soomaaliya.
“Qorshaha ay WFP ku socoto waa khalad - mana yeelayno - mana doonayno in mar walba ay kusoo oo beegto gargaarkeeda xilliga beerleyda Soomaaliyeed uu u soo go’ayo dalagga, waxaana ugu baaqaynaa inay ka waantowdo arrimahaas oo kale. Haddii WFP ay doonayso inay wax u qabato beeraleydeenna waa inay dalagga u soo go’a ka iibsato si ay niyada ugu dhisto, ummaddana wax ha siiso,” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Beeraha Soomaaliya.
Sidoo kale, wasiir ku xigeenka ayaa xusay in wasaaradu ay qorsheynayso in la horumariyo Beeralayda Soomaaliyeed, lana dhiirri-galiyo Shirkadaha Caalamka inay Maal-gashiyo ku samaystaan Somalia, maadaama dhawaan uu baarlamanka Somalia meel-mariyay sharciga maal-gashiga.
“Waxay Somalia leedahay 9-milayn oo hector oo dhul-beereed ah; intii deggenaashada ay ka jirtay dalka 80% dhaqaalaha dalka wuxuu ka imaan jiray beeraha, inkastoo ay iyaguna dhaqaale kasoo xaroon jiray kalluumeysiga iyo dhaqashada xoolaha nool,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka oo intaas ku daray dalalka caalamka ay dadaal weyn ugu jiraan sidii ay maal-gashi Somalia ugu sameysan lahaayeen.
DHAGEYSO: Wasiir ku-xigeenka Beeraha Somalia oo u Warramayay VOA Somali;
Isagoo sii hadalya ayuu wasiir ku-xigeenku xusay inay jiraan dalal badan oo lasoo xariiray Soomaaliya oo ay ka mid yihiin; Dalalka Carabta iyo Talyaaniga, kuwaasoo doonaya inay Maal-gashiyo kala duwan ku sameystaan Somalia, Wuxuuna hadalkiisa raaciyay in ay soo dhaweynayaan cid walba oo doonaysa inay maal-gashi ku saleysato Somalia.
“Dhawaan waxaa noo yimid wafdi ka socda dalka Talyaaniga, waxaanan geynay warshadii ITOP ee Afgooye iyo beeraha muuska, waxaana inoo socda wadahadal ku aaddan sida ugu habboon ee ay maal-gashi ugu sameysan karaan Somalia,” ayuu wasiirku mar kale yiri.
Wasiir ku xigeenka beeraha Somalia C/casiis Carmaan ayaa ka hadlay qorshaha dowladda Somalia ay ku Caawinayso Beeraleyda Soomaaliyeed, wuxuuna yiri. “Dowladda Somalia Qorshayaasha ay ku caawinayso beeraleyda Soomaaliyeed waxaa ka mid ah inay ka Hor-tagto fatahaadaha sababi kara inay beeruhu halaabaan.”
C/casiis Carmaan oo sii hadlayay ayaa wuxuu sheegay inay caqabado badan oo ay ka mid yihiin in beeraleyda Soomaaliyeeed ay Kannaallada ka jeexdaan halkii ay doonaan, taasoo uu sheegay inay tahay caqabad weyn, balse wasaaraddu ay ku talo-jirto inay furto kannaal walba oo xiran lana socoto beeraleydu halka ay ka jeexanayaan kannaallada ay beeraha ku waraabsadaan; si beeraleyda oo dhan ay uga faa’iideystaan biyaha webiyada dalka.
Ugu dambeyn, hadalka wasiir ku-xigeenka beeraha Somalia ayaa kusoo beegmaya iyadoo lagu wado dhawaan uu magaalada Berlin ee dalka Jarmalka uu ka furmi doono shir looga hadlayo wax-soo-saarka beeraha caalamka.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya