1/6/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 5 , 2016
TALIYAHA CXD: Sanadkan 2016 waa in Somalia laga waayo meel Argagaxisad ay ka Taliyaan


Talaado, Janaayo 05, 2016 (HOL) — Taliyaha ciidanka xooga dalka, Jen. Maxamed Aadan Axmed oo maanta xafiiskiisa kula kulmay saraakiisha ugu sarreeya ciidanka AMISOM ee ku sugan Somalia, ayaa waxaa la iskula soo qaaday sidii si wadajir loogu cirib-tiri sanadka 2016-ka kooxda Al-shabaab. Iyadoo ay labada dhinac isla qireen sida ay lagama maarmaan u tahay in la billaabo howlgallo cusub.

Jen. Maxamed Aadan ayaa shaaca ka qaaday in sannadkan cusub ee 2016-ka uu u noqon doono ciidamada xoogga dalka, sannadkii dib-u-dhiska iyo howlgallada lagu baacsanayo kooxaha nabad-diidka ah.

“Kulanka aynu maanta yeelannay ujeeddadiisu waa in wadajir loogu diyaar garoobo dib u xoreynta goobaha dhiman ee cadowgu joogo. Waxaan isla garanay AMISOM in sannadkan 2016-ka, Somalia oo dhan laga waayo meel ay Argagixiso ka taliyaan,” ayuu yiri Taliyaha ciidamada xoogga Soomaaliya.

Ugu dambeyn, kulankan ayaa waxaa taliyaha ciidanka xoogga dalka Somalia ku weheliyay abbanduulaha ciidanka xoogga dalka iyo saraakiil kale. Wuxuuna kulankan qayb ka yahay kulammo is-daba-joog ah oo maalmihii u dambeeyey u dhexeeyey Wasaaradda Difaaca iyo taliska ciidamada ka howlgala dalka Somalia ee AMISOM.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya