Maydka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif oo loo qaaday Deegaanka Halgan (SAWIRRO)
Talaado, Janaayo 05, 2016 (HOL) — Maydka ALLAHA u Naxariisteen Ugaas C/raxmaan Ugaas Kaliif Ugaas Rooble ayaa subaxnimadii hore ee saakay loo qaaday Daaro-Ugaas oo aan wax badan ka fogeyn deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan, halkaa oo ay ku aasan yihiin 17 Ugaas oo uu ugu danbeeyay alle ha u naxariisteen Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.
Ka hor intaan meydka laga qaadin magaalada ayaa salaada jinaasada oo si weyn looga soo qeyb-galay waxaa lagula tukaday garoonka kubada cagta ee Laqanyo, halkaa oo ay buux-dhaafiyeen dadweyne isaga kala yimid xaafaddaha magaalada Beledweyne, mas'uuliyiin ka tirsan dowladda, salaadiin, culima'udiin, nabadoon, iyo waxgarad kala duwan oo qaarkood ka soo kala safray dalka gudihiisa iyo dibadiisa intaba.
Mas'uuliyiinta Salaadda jinaasada ka qeyb-gashay waxaa ka mid ahaa wasiirka wasaarrada amniga Somalia, C/risaaq Cumar Max'ed, iyo xildhibaano ay ka mid ahaayeen,. xildhibaan C/llaahi Goodax Barre, xildhibaan Shuuriye Muumin Afrax, xildhibaan C/qaadir Sheekh Xanafi, xubno kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ay walaalo ahaayeen marxuumka geeriyooday, ayaa ka mid ahaa dadkii meydka marxuumka u sii raacay goobta loogu tala-galay in lagu aaso, waxaana la filayaa in gellin dambe ee maanta deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.
Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ayaa Axadii ina dhaaftay si lama filaan ah ugu geeriyooday magaalada Beledweyne kaddib xanuun loo maleynayo in uu ahaa Dhiig-Kar oo ku soo booday Ugaaska.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya