FAAHFAAHIN: Ciidamada Itoobiya ka socda ee Maanta gaaray Magaalada Kismaayo (SAWIRRO)
Axad, Janaayo 03, 2016 (HOL) — Ciidamadan oo ka socday dowladda Itoobiya ayaa soo gaaray maanta Kismaayo, waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, guddoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose, saraakiil ciidan, odoyaal dhaqameed iyo mas'uuliyiin kale.
Ciidamadaan oo ay keeneen laba diyaaradood ayaan weli la shaacin tiradooda rasmiga ah, hase yeeshee waxaa lagu qiyaasay ilaa 250 askari, ayadoo la filayo in ciidamo kuwan ka badan ay magaalada soo gaaraan.
Ciidamadan oo sitay astaanta calanka Itoobiya, tan Soomaaliya iyo mida ururka Midowga Afrika ayaa markii ay soo dageen waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay madaxda Jubbaland, waxaana intaa kadib ay warbaahinta kula hadleen garoonka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Jubbaland, Maxamed Warsame Darwiish oo ugu horreyn goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu soo dhaweeynayo ciidanka ka socda Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ee maanta Kismaayo soo gaaray, waxa uuna xusay in ay kala shaqeyn doonaa sidii la isaga kaashan lahaa howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab.
Madaxweyne ku-xigeenka, Jubbaland C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in ciidamadaan ay ku yimaadeen Rabitaanka shacabka Jubaland, ayna kusoo dhaweeynayaan Kismaayo.
Wuxuuna xusay in saraakiisha hgogaamineeysa ciidamadan ay yihiin kuwii ka qayb-qaatay Howl-galladii Al-shabaab looga saaray degmada Baardheere iyo qeybo badan oo ka mid ah gobolka Gedo.
Ugu dambeyn, Col. Tesefaye oo hoggaaminayay ciidanka ayaa u mahad-celiyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo, isagoo xusay in iyagoo kaashanay ciidanka Jubaland, kuwa ka socda Kenya iyo Burundi ay bilaabi doonaan howlgallo ballaaran oo Al-shabaab looga saarayo deegaannada Jubbaland.
Imaatinka ciidammadaan ayaa kusoo beegmaya xilli madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam uu shalay shaaca ka qaaday in bishan January gudaheeda ay deegaanada Jubaland ka bilaaban doonaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya