4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 26, 2016
Deeq Dawo ah oo Maanta la Gaarsiiyay Isbitaalka Guud ee Magaalada Buula-burte (SAWIRRO)


Talaado, Janaayo 26, 2016 (HOL) — Wasaarada caafimaadka Soomaaliya ayaa markii ugu Horreysay Deeq Daawo ah maanta Gaarsiisay isbitaalka Degmada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan.

Deeqdaan oo ka koobneyd 174 kartoon oo ay jiraan dawooyinkii loo baahnaa intoodii ugu Muhiisanayd, waxaa si toos ah uga dajisay Garoonka Diyaarad kasoo Qaadday Magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Isku-duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Hiiraan, Axmed Maxamed Khaliif oo Warbaaahinta kula Hadlay Gudaha Garoonka Diyaraadaha Buula-burte, ayaa sheegay inay Deeqdaan wax weyn ka tari doonto socod siinta howlaha caafimaad ee isbitaalka, inkastoo sidda uu sheegay wali jiraan baahiyo kala duwan oo wali isbitaalka ka jira.

Wareejinta deeqdan, Waxaa goob-joog ka ahaa guddoomiyaha maamulka degmada Buula-burte, Cabdicasiis Duuroow, duqa Buulo-burte, Cismaan Geedi iyo Saraakiisha Ammaanka Degmada.

Guddoomiyaha degmada C/siis Duuroow ayaa ka mahad celiyay dawada la soo gaarsiiyay, isaga oo sheegay in wasaarrada caafimaadka marar badan oo hore u direen cabashadooda, hasse ahaatee ugu danbeyntii ay kasoo jawaabtay.

Isbitaalka oo in ka badan 10-sannadood ah aan shaqeyn ayaa waxaa dhawaan dib u Hawl-galiyay Jaaliyada dibadda ee Degmada oo kaashanaya Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Africa AMISOM.

Garoonka diyaaradaha degmada Buula-burte oo dhawaan xariga laga jaray ayaa wax badan ka baddelay nolasha Degmada oo hadda ah mid cabiran, kaddib markii ay Duullimaadyada taga Magaalada Sahleen in ay dib ugu laabtaan Dad u badan Qurba-joog oo markii hore ay adkeyd inay degmadaas tagaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya