4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 26, 2016
Taliyaha Ciidanka Millateriga Somalia oo Maanta la kulmay Taliyaha Ciidanka Lugta Dalka Sweden


Talaado, Janaayo 26, 2016 (HOL) —Taliyaha Ciidamada Xoogga Somalia, Jen. Maxamed Aadan Axmed, ayaa maanta kusoo dhaweeyay Muqdisho Taliyaha ciidanka Lugta ee dalka Sweden, Brig-General Stefan Andersson oo ku yimid booqasho Muqdisho.

Labada taliye oo kulan gaar ah ku yeeshay dhismaha Wasaarada Gaashaandhigga Somalia, ayaa ka Wada-hadlay xoojinta Taageerada ay Xukuumadda Sweden siiso Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Jen. Maxamed Aadan ayaa uga mahad-celiyay taliyaha ciidanka lugta ee Sweden safarkiisa uu ku yimid Muqdisho markii ugu horreysay, wuxuuna sheegay in Somalia iyo Sweden ay yihiin Waddamo Saaxiibbo ah; isla markaana iska-kaashanaya sidii Sare loogu Qaadi lahaa Tayada iyo Tababarka Ciidanka Xoogga dalka.

Sidoo kale, Brig-Gen. Stefan Andersson oo kulanka ka hadlay ayaa dhankiisa Mahad-celin u jeediyay saraakiisha ciidamada XDS, sida wanaagsan oo ay u soo dhaweeyeen, wuxuuna xusay inay Soomaaliya dhibaatooyin badan soo martay; Hase yeeshee ay kasoo kabanayso dhibaataadaas. Isagoo xusay in dawlada Sweden ay kordhin doonto taageerada ay la garab-taagan tahay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Taliyaha Millaetriga Soomaaliya, Jen. Maxamed Aadan Axmed ayaa tacsi u direy ehelada iyo asxaabtii uu ka baxay marxuum Cabdi Xaaji Goob-doon oo Muqdisho ku Geeriyooday, isagoo Xusay in Marxuum Goobdoon uu ahaa Muwaadin muddo dheer u soo shaqaynayay dadka iyo dalka Soomaaliyeed; taariikhna uga tagay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya