4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 26, 2016
SAWIRRO: Guddoomiye JAWAARI oo la Kulmay Dhigagiisa Dalalka Bakistaan, Turkiga iyo Ciraaq


Talaado, Janaayo 26, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan [Jawaari] oo wafdi uu hoggaaminayo ay Magaalada Baqdaad uga Qayb-galeen Shirka Baarlamaannada dalalka Iskaashiga Islaamka; ayaa kulammo gaar-gaar ah la qaatay guddoomiyeyaasha baarlamaannada; Iraq, Turkey iyo Pakistan.

Kulankii u horreeyay ayuu la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka, Pakistan Sardar Ayaz Sadiq iyadoo kulankaasina looga wadahadlay Abuuridda iskaashi iyo xiriir wada-shaqeyn oo dhex-mara baarlamaannada labada al iyo adkeynta danaha Baarlamaannada Caalamka Islaamka; iyadoo ay labada guddoomiye qalinka ku duugeen arrimahaas.

Sidoo kale, gudoomiye Jawaari ayaa sir gaar ah oo ku saabsan xoojinta wada-shaqeynta iyo iskaashiga baarlamaannada mataanaha ah ee Somalia iyo Tukriga la qaatay guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Turkiga oo sanadkii tagay ee 2015-ka la doortay, İsmail Kahraman; iyadoo kulankaas looga hadlay xoojinta shaqada guddiyada labada baarlamaan u qaabishan saaxiibtinimada Somalia & Turkiga iyo in la dadajiyo dhismaha Gurriga Ummadda, kaasoo ay horey u ballan-qaaday dowladda Turkiga.

Dhanka kale, kulankii ugu dambeeyay ayuu Jawaari la qaatay dhiggiisa Ciraaq, Dr Salim Al-Jabouri; waxaana kulanka looga wada hadlay sidii loo mataaneyn lahaa baarlamaannada Somalia iyo Iraq; iyadoo taasina ay labada guddoomiye hoosta ka wada xariiqeen.

Ugu dambeyn, kulamada uu guddoomiyaha baarlamaanka FS la qaatay guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka Turkey, Ciraaq iyo Pakistan waxaa goob-joog ka ahaa Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Soomaaliya, C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) iyo Safiirada Soomaaliya u fadhida dalka Ciraaq, Khadija Maxamed Almakhzoumi.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya