4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 26, 2016
Booliiska Kenya oo Xabsiga ka daayay Wariye loo xiray warbixin uu ka qoray weerarkii Ceel-cadde


Talaado, Janaayo 26, 2016 (HOL) — Wariye Madax-bannaan oo lagu Magacaabo, Yaasiin Juma isla markaasna horay oga soo shaqeeyay Taleefishinka NTV, ayaa shalay Damaanad lagu sii daayay ka dib markii uu laba maalmood ku xirnaa Xabsiga ku dhex yaallo saldhiga ciidamada booliska ee Muthaiga.

Wariyaha oo loo haystay sheekooyin uu ka qoray iyo waliba sawirro uu ku soo bandhigay boggaga Internet-ka oo la xiriirtay weerarkii  15-kii bishaan ay Al Shabaab ku qaadeen, saldhig ciidamada Kenya ee ka tirsan howl-galka  AMISOM ay ku lahaayeen degaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo.

Axadii aynu soo dhaafnay ayaa ciidamo ka ka tirsan laanta dambi barista Kenya ee CID-da, waxey ka qabteen Wariyaha gurigiisa oo ku yaallo xaafada Donholm ee magaalada Nairobi, waxeyna u sii ka xeeyeen Xabsiga Muthaiga.

Wariyaha ayaa markii hore la sheegay in la soo taagi doono Maxkamada Kiambu laakiinse markii dambe waxaa la caddeeyay in Xabsiga laga sii daayay, laakiinse lagu amray in laba toddobaad ka dibba uu mar tago saldhiggaas.

Waxyaabaha lagu eedeyay Yaasiin Juma waxaa ka mid ah, qaabkii uu u tabiyay weerarkii labo isbuuc ka hor ka dhacay saldhiga ciidamada KDF ay ku lahaayeen Gobolka Gedo iyo qaabkii uu baloogiisa ugu soo bandhigay warbixino baaritaan ah oo qaarkood ku saabsanaa khasaarihii Ciidamada KDF ka soo gaaray weerarkaas.

Xariga wariyahaan ayaa ku soo beegmaayo toddobaad un ka dib markii Wasiirka arimaha gudaha Kenya Joseph Nkaissery iyo Taliyaha guud ee Ciidamada Bilayska Joseph Boinnet, ay soo saareen amaro looga digaayay dadka iney warbaahinta bulshada ku soo bandhigaan sawirradda ama warbixinada xasaasiga ah ee la xiriiro weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen saldhiga ciidamada KDF ee Ceel Cadde.

Dhanka kale, Agaasimaha Waaxda baarista dambiyada Kenya oo lagu Magacaabo Ndegwa Muhoro, ayaa u sheegay Saraakiisha Booliiska inay dambi tahay in la faafiyo SAWIRADA weerarkii  Ceel Cadde, wuxuuna ku amray iney talaabo sharciga waafaqsan ka qadaan cidii isku daydo iney baraha bulshada ku faafiso sawirradaas.

Ugu dambeyn, Wariyayaal iyo Shacab kale oo ay ka mid yihiin; Labo Qoraa oo lagu kala magacaabo; Cyprian Nyakundi iyo Patrick Msafari ayaa Toddobaadkii hore looga yeeray xarunta dambi barista ee CID si ay oga jawaabaan eedeymo ku saabsan waxyaabo ay soo qareen oo la xiriiro weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen ciidamada Kenya ee KDF. 

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya