4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 25, 2016
Kooxda ISIS oo baahisay filimka raggii Weeraray Magaalada Paris ee Xarunta Dalka Faransiiska


Isniin, Janaayo 25, 2016 (HOL) — Kooxda Daacish, ayaa sii deysay video u muuqda inuu muujinayo sagaal mintidiin ah oo ka qeyb galay weeraradii argagixiso ee magaalada Paris, iyo gowraca iyo dilka maxaabiis ku sugnaa Ciraq iyo Syria.

Fiidiyowgan ayaa waxaa ku jira qeybo ka mid ah weerarradii November ee Paris, wuxuuna ku tilmaamay raggii ka qeyb-qaatay Weerarkaas inay ahaayeen “Libaaxyo”, jilbaha dhulka u dhigay France.

Dhammaan sagaalkii nin, ayaa ku naf waayey weerarka, ama weeraro ay booliiska qaadeen kadib weerarka.

Kooxihii fuliyay Weerarkan oo badankood ka yimid Belgium ama France, ayaa ugu yaraan 130-ruux ku dilay qaraxyo iyo xabbado lala beegsaday dhowr goobood oo magaalada Paris ku yaalla.

Sidoo kale, Filimkan ayaa waxaa ku jira ra’iisul wasaaraha UK David Cameroon, waxaana uu ka digay in kuwa aan Allaha Aaminsaneyn ay “Bartilmaameed u Noqon doonaan Seefta kooxdan”.

Ugu dambeytii, Britain ayaa waxa ay qeyb ka tahay isbaheysiga Mareykanka uu horkacayo ee duqeymaha ka dhanka ah Daacish ka wada Ciraq iyo Syria.

XIGASHO: VOA SOMALI