4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 25, 2016
Xildhibaanada Somalia oo loo Qaybiyay Qaraar ka dhan ah Duqeynta Kenya iyo RW oo loo yeeray


Isniin, Janaayo 25, 2016 (HOL) — Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta kulan ku yeeshay xaruntooda Muqdisho ayaa waxaa loo Qaybiyay Qaraar looga Hor-jeedo Duqeymaha ay Diyaaradaha Dagaalka Kenya kawadaan qaybo ka mid ah gobolka Gedo ee Koonfurta Somalia.

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Somalia, Mahad C/lla Cawad oo Shir-guddoominayay kulanka ayaa sheegay in qaraarka ka dhanka ah Duqeymaha ay Dowladda Kenya kawaddo gobolka Gedo ay ka mid tahay in Kenya ay si deg-deg ah duqeymaheeda u joojiso iyo in Guddi xaqiiqo-raadin ah loo diro gobolka Gedo, kuwaasoo u kuur-geli doona xaaladaha gobolkaas.

Sidoo kale, Baarlamaanka ayaa u yeeray ra’iisul wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharmaake inuu ku horyimaado Baarlamaanka ugu dabmeyn illaa 30-ka bishaan Jannaayo, si wax looga weydiiyo duqeymaha ay Dowladda Kenya kawado gobolka Gedo.

Kulanka oo ay soo xaadireen 148-xildhibaan; ayaa furitaankiisii waxaa lagu dhaariyay laba xildhibaan oo bedelaya laba xildhibaan oo midkood uu dhintay iyo mid kale oo iska casilay ka mid ahaansha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada manta la dhaariyay ayaa waxay kala ahaayeen; Cabdi Shire Ciyaar-jacel iyo Cabdicasiis, iyadoo dhaarinta xildhibaanada kaddib ayaa waxay warbixin ka dhexgeysteen Xildhibaannada Baarlamaanka Guddiga Gaadiidka, Garoomada ee Baarlamaanka Somalia, kuwaas oo Hawlo shaqo u Tagay Deegaannada Maamulka Koonfur-galbeed, isla markaana golaha u sharrxay waxyaabihii ay soo arkeen.

Dhanka kale, Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa akhrintii koowaad mariyay Sharciga Liil-tirka iyo Deeqaha ay yeelanayaan Siyaasiyiinta; kaasoo ay soo diyaariyeen Guddiga Xeer-hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka FS, Mahad Cabdalle Cawad ayaa ugu baaqay Xildhibaannada ku maqan Goballada iyo Waddanka dibaddiisa inay soo Xaadiraan kulamada baarlamaanka, maadaama ay baarlamaanka hor-yaallaan ajandayaal muhiim ah.

Ugu dambeyn, xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa loo qaybiyay Qaraar ku saabsan Duqeynta ay Dowladda Kenya ay kawaddo qaybo ka mid ah Gobolka Gedo, Halkaasoo ay dhibaato xooggan kasoo gaartay dad xoolo dhaqata ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya