4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 25, 2016
Kenya oo sheegtay in ciidammo cusub ay u dirtay Somalia Kaddib Weerarkii Saldhigga Ceel-cadde


Isniin, Janaayo 25, 2016 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidammo dheeraad ah ay u soo dirtay Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka qaadanaya Hawl-gallada lagu raadinayo ciidamadii Keenyaanka ahaa ee lagu waayay weerarkii ay Al-shabaab ku qaaday saldhigga Ceel-cadde ee Gobolka Gedo.

Taliyaha ciidamada KDF-ta Kenya, Jen. Samson Mwathethe ayaa ku tilmaamay ciidamada ay u direen Somalia ay sidoo kale qayb ka qaadayaan howlgallo Al-shabaab looga saarayo deegaanno ka tirsan gobollada Koonfureed ee Soomaaliya.

“Hadafka aan Ciidamada lugta ee dheeraadka ah ugu dirnay Somalia; waa sidii ay u Xoojin lahaayeen Ciidamadii horay halkaas ugu sugnaa Gobolka Gedo, looguna Weerari lahaa Al-sabaab deegaannada ay kaga sugan yihin gobollada Gedo iyo Bay,” ayuu ku yiri hadalkiisa Jen. Samson.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa xusay in hawlgalada lagu doonayo in lagu burburiyo Al-shabaab ay qayb ka qaadanayaan diyaaradaha qummaatiga u kaca ee dalka Kenya iyo kuwa kale ee dagaalka.

Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in maalin kasta ay ka geystaan duqeymo deegaanno ka tirsan gobolkaas, gaar ahaan deegaanka Ceel-cadde iyo kuwa ku dhow-dhow diyaaradaha dagaalka Kenya, kuwaasoo dilay dad xoolo dhaqato ah.

Ciidamada Kenya ee Qaybta ka ah AMISOM iyo kuwo Somalia ah ayaa dhawaan Gaaray saldhiggii ciidanka Kenya lagu weeraray ee Ceel-cadde, inkastoo ay ka jirto weli deegaan-nadaas cabsi weyn oo laga qabo inay weeraro kale Al-shabaab la beegsato ciidanka Kenya.

Dhanka kale, Jen. Mwathethe ayaa warbixin uu siiyay ciidamada Kenya wuxuu ku sheegay in Tiro badan oo Xoogagga Al-shabaab ah lagu dilay Duqeymihii ugu Dambeeyay ee ay ka geysteen gobolka Gedo, kuwaasoo uu ku jiro sida uu hadalka u dhigay taliyihii Al-shabaab ee Hoggaaminayay Weerarkii lagu qaaday Saldhiggii Ciidamada Kenya ee Ceel-cadde.

Hoggaaminaya Isbahaysiga Mucaaradka ah ee Kenya CORD, horayna u soo Noqday RW-ha Kenya, Raila Odinga ayaa isna toddobaadkii hore ku baaqay in ciidanka KDF-ta Kenya gacan laga siiyo sidii ay u burburin lahaayeen kooxda Al-shabaab.

Ugu dambeyntii, Weerarkii ay Al-shabaab ku qaadday saldhigga AMISOM ee Ceel-cadde ayaa waxay sheegeen inay ku dileen in ka badan 100-askari oo Kenyaan ah, sidoo kalena ay tiro kale ku qafaasheen, inkastoo xukuumadda Kenya aysan weli sheegin askarta looga dilay weerarkaas oo ahaa kii ugu culsaa ee ciidamada Kenya laga qaado tan iyo markii ay Somalia soo galeen sannadkii 2011-kii.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya