4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 25, 2016
Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka qayb-galay shir madaxeed ka dhacay Dalka Urdun (SAWIRRO)


Isniin, Janaayo 25, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Aqaba ee Boqortooyada Urdun kaga Qayb-galay shir madaxeed gaar ah oo arrimaha Amaanka iyo argagixisada looga hadlayay.

Shirkan oo uu martigeliyay Boqor Cabdalla Bin Xuseen ayaa waxaa madaxda kasoo Qayb-gashey ka mid ahaa Madaxweynaha Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, RW dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn, wafdi sare oo ka socda dalalka Kenya, Tanzania, Masar, Mareykanka, Canada, Yurub, Qaramada Midoobay, IGAD iyo ururro kale oo caalami ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarayey isku-dubbaridka, wadatashiga iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya caalamka ee dhinaca la dagaalanka argagixisada iyo xagjirnimada.

Waxaa shirkan intuu socday si gaar ah looga hadlay arrimaha Somalia, sida looga taageeri karo la dagaalanka argagixisada, taasoo sal u noqonaysa nabadgelyo iyo xasilooni waarta oo ka dhalata Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka uga waramey xaaladda dalka Somalia iyo horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dib u dhiska dalka.

Waxaa sidoo kale oo uu Madaxweynaha kulan gaar ah la yeeshay Boqor C/lla, ayaa waxay ku gorfeeyeen dadaallada caalamiga ah ee socda ee looga hortagayo khatarta Argagixisada gudaha iyo kuwa caalamka isaga goosha, iyo guud ahaan arrimaha caalamka.

Boqor Cabdalla ayaa kulanka ka sheegay in dalkiisa uu taageero buuxda ee dhinaca amniga ah la garab taagan yahay Soomaaliya.

Shir madaxeedkan gaarka ah ee ka dhacay Aqaba ayaa ah kii labaad, waxaana uu qeyb ka yahay barnaamij uu horkacayo Boqor Cabdalla oo ujeedkiisu yahay in xiriir joogto ah iyo iska warqab dhow uu dhexmaro waddamada caalamka si looga wadatashado arrimaha la dagaalanka argagixisada, xagjirnimada iyo amniga.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale kulamo gaar ah la qaatey qaar ka mid ah madaxdii iyo mas’uuliyiintii kale ee shirkan ka soo qayb-galay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya