4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 25, 2016
KENYA oo ku eedeeysay mid ka mid ah Beelaha Somalia inay ku lug lahayd Weerarkii Ceel-cadde


Isniin, Janaayo 25, 2016 (HOL) — Guddi ay dowladda Kenya u magacawday inay baaraan weerarkii lagu qaaday xerada ciidamada Kenya ee deegeenka Ceel-caede ee Gobolka Gedo todobaadkii hore, ayaa ku eedeeyay beesha Mareexaan inay ka geysatay gacan weerarkaasi oo kooxda Al-shabaaab ay ku qaadday saldhiggaas.

Sida uu baahiyay Wargeyska the Standard ee kasoo baxa Kenya, Hordhac baaritaannno uu sameeyay Guddiga ayaa lagu ogaaday in Saddex ka mid ah Askarta Kenya oo ka baxsatay weerarkaasi oo uu gurigiisa ku qariyay ruux deegaanka u dhashay, kuwaasoo mar dambe la dilay kaddib markii sida wargeysku xusay ay dadka deegaanku ku wargeliyeen Al-shabaab joogitaanka askartaas.

“Beesha Mareexaan waxay u arkaan ciidanka Kenya inay yihiin kuwo taageeraya beesha Ogaadeen ama Qabiilo kale oo uu loolan kala dhaxeeyo, waana mid ka mid ah waxyaabaha keenay inay ciidanka qiyaamaan,” ayuu yiri mid ka mid ah mas’uuliyiinta dowladda Kenya oo codsaday inaan magaciisa la shaacin oo la hadlay wargeyska The Standard lahadlay.

Sidoo kale, wargeyska ayaa sheegay in kooxda weerarkaas baareysa ay maalintii Khamiista ahayd tageen saldhigga ciidamada lagu weeraray; isla markaana la filayo inay Warbixin ku saabsan qaabka weerarku u dhacay u Gudbiyaan Abaanduulaha Ciidamada Qalabka sida ee dalka Kenya, Samsom Mwathethe.

Wargeyska ayaan wax Faafaahin ah oo intaas ka badan ka bixin eedeeymaha ay Dowladda Kenya u jeedisay beesha Mareexaan.

Guddigan cusub ayaa la sheegay inuu baaritaan ku sameyn doono doorkii ay ku lahaayeen beelaha deegaankaas daga weerarka iyo haddii uu jiray wax dayac ah oo dhanka ciidamada ka yimid iyo haddii ay jireen Digniinno loo jeediyay Askarta ka hor inta aanu Weerarkaasi lagu qaadin.

Saldhigga Ciidamada Kenya ay ku lahaayeen Deegaanka Ceel-cadde ayaa ahaa Saldhiggii Saddexaad ee ay Al-shabaab la Wareegaan muddo toddoba bilood ah; isla markaana ay ku laayaan tiro ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee ka Hawlgala Soomaaliya [AMISOM].

Ugu dambeyn, Xukuumadda Kenya ayaan illaa hadda ka Hadlin Khasaarihii kasoo Gaaray ciidankooda weerarkaas, iyadoo kooxda Al-shabaab ay sheegatay inay Weerarka ku dileel tiro ka badan 100-askari oo Keenyaan ah, tiro kalena ay ku qafaasheen.

Hiiraan Onlne, News Desk