4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 24, 2016
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia oo ka qayb-galay Shirkii dalalka Carabta iyo India (SAWIRO)


Axad, Janaayo 24, 2016 (HOL) — Wafdi uu Hoggaaminaayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, C/salaam Hadliye Cumar ayaa maanta ka qayb-galey shir ay isugu yimaadeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Dalalka Carabta iyo Dowlada Hindiya, kaasoo ka furmay magaalada Manama ee Boqortooyada Baxreen.

Shirkan ayaa lagu gorfeeyay doodaayay sidii loo horumarin lahaa is-kaashiga ka dhexeeya waddamada Carabta & Hindiya, Qodobada lagu heshiiyay waxaa ka mid ahaa: Is-kaashiga dhinacyada siyaasada, dhaqaalaha iyo ganacsiga, tamarta, dhawrista bay’ada, beeraha, isku filaanshaha wax soo saarka, tayeynta kaabayaasha waxbarasha iyo dhaqanka, warbaahinta, horumatinta adeegyada bulshada iyo caafimaadka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda xukuumadda Soomaaliya oo ka hadlay shirkan ayaa ka hadlay xiriirka Taariikhiga ah ee ka dhexeeya Dowladda Hindiya iyo Carabta. Isagoo ku baaqay in si wadajir ah loo waajaho argagixisada caalamka. 

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in maanta ay Soomaaliya isbedel ballaaran ka sameesey dhinaca Ammaanka iyo deggenaanshaha dalka, wuxuuna hadalkiisa ku daray in iskuullada si caadi ah loo tago, suuqyadana ay buuxaan oo si caadi ah looga adeegto iyo Soomaalidii dibadaha dalka ku nooolaa ay dib Somalia ugu soo noqonayaan si ay ugu qayb-qaataan dib u dhiska dalkooda.  

Xiriirka u dhexeeya Dalka Hindiya iyo kuwa Carabta ayaa lagu tilmaamay inuu yahay mid aad u qoto-dheer, waxaana la og-yahay in ka badan lix Milyan oo shaqaale ah oo u dhashay dalka Hindiya ay ka shaqeeyaan dalalka Carabta, gaar ahaan kuwa Khaliijka.

Wafdiga Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, C/salaan Hadliye ayaa Waxaa ka mid ahaa; Safiirada Somalia ee Hindiya, Ebyan Ladane Saalax, ahna guddoomiyaha safiirada Carabta ee Hindiya iyo Saalim Macoow Xaaji oo ah la taliyaha koowaad iyo ku xigeenka Danjiraha Soomaaliya ee dalka Sacuudiga.

Shirka waddamada Hindiya iyo Carabta ayaa wuxuu kusoo dhamaaday guul iyo is-afgarad, waxaana lagu iclaameyay si wadajir ah qodobadii shirka kasoo baxay loo meel-mariyo.

Ugu dambeyntii, Manama Declaration oo ah Shirkii ugu Horreeyey ee Wasiirrada Cabarbta iyo Hindiya ay kuwada kulmaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya