4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 24, 2016
Madaxweeynaha Jubaland oo Muqdisho uga qeybgalaya shir ay isugu imanayaan madaxda dalka
Axad, Janaayo 24, 2016 (HOL) —Wafdi uu hogaaminayo madaxweeynaha Jubaland Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, ayagoo ku wajahan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Madaxweeynaha oo ay wehlinayeen xubno ka tirsan maamulkiisa ayaa intii uusan ka bixin garoonka waxa uu warbaahinta uga warbixiyay ujeedada safarkiisa, isagoo sheegay in magaalada Muqdisho uu uga qeybgali doono shir ay isugu iman doonaan madaxda dalka, kaa oo looga tashanayo doorashooyinkaa la filayo in ay dalka ka dhacaan dabayaaqada sanadkan.

Madaxweeynaha ayaa sheegay in uu rajeeynayo in shirkaasi kasoo baxaan go'aano waxtar leh islamarkaana lagu dhameyn doono waxyaalaha dhiman.

17-kii bishan aynu ku jirno ee Janaayo ayaa magaalada Kismaayo lagu soo gabagabeeyay shirkii madasha wadatashiga qaran, kaa oo mudo afar maalmood ah ay madaxda Soomaaliyeed kaga doodayeen hannaanka lagu saleeynayo doorashooyinka dalka ka dhici doono, ayadoo fadhigaasi lagu guuldareeystay in go'aan mideeysan lagu kala sixiixdo.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale madaxda Soomaaliyeed ku cadaadineeysa in ay gaaraan heshiis kama danbeys ah oo ku aadan doorashada sanadkan ka dhici doonta dalka.

Dalka Soomaaliya ayaa imika kasoo kabanaya saameytii ay ku reebeen dagaalladii sokeeye ee dalka Soomaray, waxaana wadanka ka hirgalay nidaam dowladnimo oo ku dhisan hab Federal ah, ayadoo ay jiraan dowlad goboleedyo la yagleeyay oo imika shaqeeya iyo qaar kale oo dhismahoodu weli soconayo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.