4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 24, 2016
Soomaaliya oo Warbixinno ka jeedisay shirka dib u eegida Xuquuqul-insaanka Dunida (SAWIRRO)


Axad, Janaayo 24, 2016 (HOL) — Soomaaliya ayaa waxay ka Qayb-gashay shir dib loogu eegayay Xuquuqda Aadanaha Calaamka, kaasoo Afartii Sannaba mar la qabto kana dhacay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Wafdiga Somalia uga qayb-galay Shirkaas ayaa waxaa ka mid ahaa; Wasiiradda Haweenka & Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya, Sahra Maxamed Cali Samatar iyo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Axmed Xaaji Daahir.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali oo u Warramay VOA-da ayaa sheegay in shirkaas Xuquuqda Aadanaha Caalamka uu shalay ahaa mid su’aalo ay Caalamku kaga Weydiinayeen Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya.

“Maanta [Sabtidii] Waxay ahayd maalin ay Dowladda Soomaaliya Jawaabo ka bixinaysay Su’aalo uu Caalamku Qabay, isla markaana ay jeedinayeen warbixintii afartii sano ee lasoo dhaafay laga qabtay Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya,” ayuu yiri Dr. Axmed Cali Daahir.

Sidoo kale, Xeer-ilaaliyaha ayaa waxaa la weydiiyay tirada dalalka weydiinayay su’aalaha, wuxuuna ku jawaabay. “Dalalka is-qoray ee su’aalaha na weydiinayay waxay ahaayeen 98-waddan, balse shirka waxaa goobjoog ka ahaa in ka badan 160-waddan.”

Dr. Axmed Daahir ayaa waxaa kaloo la weydiiyay su’aalaha ugu badan ee la weydiinayay Waxay ahaayeen, Wuxuuna ku jawaabay in Su’aalaha intooda badan ay ahaayeen kuwo la xiriira ilaalinta xuquuqda aadanaha.

“Waddamada su’aalaha na weydiinayay waxaa mudaanta siinayeen Waxyaabo kala duwan, waxaana ka mid ahaa; waxyaabaha ay Somalia ka qabatay intii ay ka Ansixisay Sharciyada Xuquuqaha Aadamiga ee Caalamka, Qodobbada kale ee aysan Somalia weli meel-marinna sababta ay u meel-marin wayday. Dalalka qaarkood waxay aad u Danaynayeen dilalka aan fulinno ee toogashada ah oo runtii Waddamada Yurub ay si aad ah u daneynayeen sidii loo baabi’in lahaa, aad ayayna su’aalah arrintaan u badnaayeen, innaguna jawaabo ku habboon ayaanan ka siinnay, Maadaama aanu nahay Ummad Muslim ah; Shareecada Islaamkuna ay tahay aasaaska shuruucdeeda wax walba oo ka hor-imaan karana aanan ku dhaqmi karin.”

Ugu dambeyn, Xeer-ilaaliaha Guud ee Qaranka, Axmed Daahir ayaa Waxaa la weydiiyay su’aal ahayd, Waa maxay faa’iidada ay leedahay warbixinnada laga dhiibo Shir noocan oo kale ah; wuxuuna ku jawaabay.

“Faa’iidooyin badan ayuu leeyahay. Marka hore Warbixinada aan gudbinnay iyo su’aalaha aan ka jawaabnay dhammaantood waxaa loo Gudbinayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isla markaana Waddamada Caalamka ee Talooyinka kuu soo jeedinaya intooda badan waxay diyaar u yihiin inay Talooyinkaas maal-gelin ku sameeyaan sidii loo dhaqan-geliyo; qolo walbana dhinaca ay daneynayso ay ku sameyso maal-gelin.”

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya