4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 24, 2016
Madaxweynaha Eritrea oo beeniyay in dalkiisa ay ka jirto baqdin laga qabo cuno-yaraan ku habsata


Axad, Janaayo 24, 2016 (HOL) — Madaxweynaha dalka Eritrea, Isaias Afwerki ayaa iska diiday in waddankiisa ay kusoo wajahan tahay cabsi laga qabo cuno-yaraan, kaddib markii Qaramada Midoobay ay sheegtay in abaaraha iyo dabeysha El Nino ay Waddamada Bariga Afrika ku sababeen in Mallaayiiin qof ay u baahdaan gar-gaar bani'aadamnimo Caalami ah.

Roobabka dabeylaha wata ee El Nino ayaa la sheegay inay Sababeen inay kordheen Dadka gargaarka u baahanaya ee gobolka Geeska Afrika ku nool, inkastoo Madaxweynaha Eritrea Afwerki oo dalkiisa xayiraado ay saaran yihiin ayaa sheegay inaysan jirin cabsi ay qabaan.

“Iyadoo la eegayo hoos-u-dhac dalagga beeraha Afrika, ayuu xusay madaxweynaha Eritrea in dalkiisa aysan ka jirin cabsi laga qabo cunno-yaraan kusoo wajahan wadanka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed Wasaaradda warfaafinta Eritrea laga soo saaray.

Sidoo kale, madaxweyne Afwerki ayaa ku Ammaanay xukuumaddiisa inay xoogga saartay siyaasadda iyo hababka lagu adkeynayo keydka cunnada ee muhiimka u ah waddankiisas.

Bishii November ee sannadkii lasoo dhaafay ayay Qaramada Midoobay ka digtay in Eritrea ay ka mid tahay waddamada gobolka ee khatarta ay ku hayso cunno-yarida.

“Dabeylaha Daadadka wata ee El Nino ayaa Noqonaysa tii ugu xumaa ee Abid la Diiwaan-geliyo, Taasoo sababtay xaalado Aadamnimo oo gobolka Bariga Afrika ku dhuftay, iyadoo sidoo kale keentay in Dalagga Beeraha uu hoos u dhaco 50% - 90% guud ahaan Gobolka,” ayaa lagu yiri warbixin ay QM soo saartay horraantii bishaan.

Qaramada Midoobay ayaa intaas ku dartay in dalka Itoobiya ay cunno deg-deg ah u baahan yihiin 10-milyan oo qof.

Marka la eego Eritrea waxaa yar hay’adaha gargaarka caalamiga ah ee loo ogol yahay inay ka howl-galaan. Halka Qaramada Midoobay ay xaqiijisay in aad loo Xaddiday Goobaha ay tegi karto Eritrea oo dhan, iyadoo Gar-gaarka shacabka Dalkaas loogu talo-galay uu yahay mid xukuumadda lagu wareejiyo.

Kumannaan qof ayaa Eritrea ka Carara bil walba, kuwaasoo sheegaya in ay ka baxsanayaa iyadoo lagu qasbo inay ciidammo noqdaan iyo xad-gudubyo ka baxsan bani’aadamnimada.

Ugu dambeyn, Qoxootiga ka cararaya Ertirea ayaa kaalinta saddexaad ka galay Qoxootiga galaya Qaaradda Yurub, marka laga reebo qoxootiga ka cararaya dalalka Afgaanistaan iyo Suuriya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya