4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 23, 2016
KENYA: Ciidankeennu waxay Somalia kasoo bixi doonaan markii xasillooni dhab ah laga hirgeliyo


Sabti, Janaayo 23, 2016 (HOL) — Xukuumadda Kenya ayaa shaacisay in ciidamadeedu ay ka baxayaan Somalia marka xasilloonida la sugo, iyadoo uu ku soo beegmayo warkan xilli ay Al-shabaab mar kale ku Gooddisay inay Weerarro kale la beegsan doonto Kenya haddii ay ciidamadeeda kala bixi waydo Somalia.

Mas’uuliyiinta dowaldda Kenya ayaa sheegay in Somalia ay haatan si aad ah uga Nabdoon tahay markii ciidanka Kenya ay gudaha u galayeen 16-kii October sannadkii 2011-kii, ayna sii socon doonaan howlgallada lagu doonayo in Somalia oo lagu xasiliyo.

“Ciidamadeenu waxay qayb ka yihiin howlgalka Midowga Afrika ee Somalia [AMISOM], wayna kasii mid ahaanayaan inta laga xaqiijinayo ammaanka guud ee Somalia oo saldhig u ah amniga dalal ay Kenya ka mid tahay,” ayaa lagu xusay warbixin Xukuumadda Kenya.

Hadalkaan kasoo yeeray Xukuumadda Kenya ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo xilli shacabka dalkaas ay su’aalo iska weydiinayaan weerarkii ay Al-shabaab ku qaaday todobaadkii hore saldhig ku yaalla deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Kenya.

Al-shabaab ayaa sheegtay inay Weerarkaas ku dileen 100 Askari oo Keenyaan ah, ayna ku qabsadeen 12-askari oo kale oo nool, inkastoo dowladda Kenya aysan weli si cad u sheegin tirada Askarta looga dilay Weerarkaas oo ahaa kii ugu khasaaraha badnaa oo ay Ciidamada Kenya la kulmaan tan iyo markii ay Somalia soo galeen.

“Kenya waxaa ka go’an inay garab-is-taagnaato Soomaaliya inta Xaaladdaan halista ah ay ka jirto. Waanu la soconnaa in ciidammo shisheeye aysan abid ilaalin karin dal kale, balse waa in gacan la siiyo waddan haddii ay dhibaato ka jirto gudihiisa, waana taas sababta aan ciidamadeenna ugu dirtay dalka aanu jaarka nahay ee Somalia,” ayaa mar kale Warbixinta dowladda Kenya lagu yiri.

Sidoo kale, Xukuumadda Kenya ayaa sheegtay in qalalaasaha iyo deggenaasho la’aanta ka jirta Somalia ay caqabad ku tahay dalkooda, gaar ahaan dhinacyada Amniga iyo ganacsiga, sidaas awgeedna ay waajib nagu tahay inaan Qaybteenna ka qaadanno Xasillinta Somalia.

“Waxaanu doonaynaa in si wadajir ah loola dagaalamo argagaxisada caalamiga ah ee dalka Soomaaliya ku sugan. Waxaa looga guuleysan karaa in Caalamka uu kaalin ka qaato sii loo Nabadeyn lahaa Somalia, si looga hir-geliyo Xukuumad awood iyo Ciidammo dhisan leh,” ayaa warbixinta mar kale lagu xusay.

Ugu dambeyn, Xukuumadda Kenya ayaa ugu baaqday waddamada gobolka iyo kuwa kale ee caalamka inay kala shaqeeyaan dowladda Somalia sidii wadankeeda ay u xasilin lahayd, iyadoo intaas ku dartay in la taageero ciidamada Howl-gallada ah kawada Gudaha Somalia, si ay Awood ugu yeeshaan fulinta Waajibaadyada loo ig-maday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya