4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 23, 2016
SAWIRRO: Ka Qayb-qaado Dhismaha MASJID laga dhisayo xaafada Kooshin ee Beledweyne


Sabti, Janaayo 23, 2016 (HOL) — Guddiga dhismaha Masaajidka laga hirgalinayo xaafada Kooshin ee degmada Beledweyne ayaa HOL u sheegay inay gacan taageero ah uga baahan Dhammaan dadka Muxsiniinta ah ee ka Qayb-qaadan kara Dhismaha Masaajidkaan oo ku yaalla goob muhiim ah.

Dhulka masjidka laga her-galinayo oo dhinaca ku haya jidka Laamiga ah ayaa qiimo ahaan ku fadhiya $ 120, 000 oo doolar, hasse ahaatee ehelada dhulka iska leh ayaa u waqfay alle ha u naxariisteen Dr Xassan Macalin Gaab, sidda qaar ka mid ah guddiga u sheegeen HOL.

Dhismaha masjidka ayaa hadda ku socda kaalmo laga helay bulshada ku dhaqan magaalada & ehellada dhulka Masjidka laga dhisayo ku deeqday, taasoo aan ku filneyn shaqada hadda socta,

Haddaba; haddii aad ka qayb-qaadanayso dhismaha masjidka waxaad kaalmadaada ku soo diri kartaa Amaana Account - BWN -341626 42, ama la xiriir guddiga masjidka oo kala ah Xassan Ibraahim Xalane 25261-5580669

Axmed Yuusuf Aadan; 252-615-564249 ama Maxamed Macallin Cabdi Suldaan, 252-615-564075.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya