4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 23, 2016
Waxgarad Degmada Baladweyne uga dhawaaqay Maanta Shirweyne Wada-tashi ah (SAWIRRO)


Sabti, Janaayo 23, 2016 (HOL) — Kulan ballaaran oo ay maanta ku yeesheen Beledweyne odayaal & waxgarad kasoo jeeda mid ka mid ah beelaha ku nool Gobol Hiiraan, ayaa looga dhawaaqay shirweyne wadatashi ah oo ka dhaci doona Beledweyne.

Shirka oo ay ka qayb-galeen oday-dhaqameed, Waxgarad, Dhallinyaro, Haween iyo qeybo kala duwan oo bulshada ka mid ah, ayaa siddoo kale waxaa joogay oo ka qeyb-galay xubno ka tirsan ergadii ka qeyb-gashay furitaankii shirka Jowhar 12-kii bishan, kuwaa oo idb ugu soo laabtay magaalada Beledweyne.

Nabadoon Faarax Cabdi Waare oo ka mid ah odayaashii dhaqanka ee ka qayb-galay shirka Jowhar ayaa wuxuu sheegay in waddadii uu shirku ku socday laga weeciyay, kaddib markii talada iyo qorshaha dhismaha maamulka labada gobol lagu wareejiyay shaqsiyaad gaar ah, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Annaga markii hore furitaanka shirka waan ka qayb-galnay oo waxaannu ogeyn shir furan oo socda, laakiin markii dambe shirkaa waxaa xiray shaqsiyaad Dowladda ka tirsan, kaddib markii ay bilaabeen inay bulshada iyo beelaha maamulka la doonayo inay sameystaan iska horkeenaan, intaa kaddibna waxaan go'aansannay inaan halkaas [Jowhar] isaga soo tagno,” ayuu Nabadoon Faarax Waare yiri.

Sidoo kale, wuxuu si gaar ah ugu eedeeyay wasaarada arrimaha gudaha inay u maamushay qorshaha socda si aan hagaagsanayn, kaddib markii ay si cad ugu tumatay Saami-qaybsiga beellaha iyo sida ay deegaannada u kala deggen yihiin.

''Anniga waxaan is leeyahay waxaa shirka soo xiray oo ugu tala-galay inuu bur-buro kuwa soo qoray liiska sida beelahu u kala heleen tirada odayada dhaqanka ee soo xulaya ergada, kuwaasoo aan ku shaqeyn xog-ogaalnimo, sidaa awgeed inta bulshada gacanteeda lagu soo celinayo tallada iyo maamulka shirka waxaan is leenahay halkaa gogol kama furna'' ayuu yiri nabadoon Faarax.

Dhinaca kale, Nabaddoon Faarax Cabdi Raage oo ka mid ah odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dowladda muddo 48-saac ah u qabtay beellaha in ay uga soo qayb-galaan Shirka Jowhar, isagoo arintaas ku tilmaamay Qayb ka mid ah Qorshaha shirka lagu fashilinayo.

''Dabcan, Annaga waxaan u aragnaa in waqti la isku qabto - ku takri fal awoodeed, sidaana shir laguma socodsiin karo, Dowladda Soomaaliya haddii ay go'aan gaartay, in bulshada ku dhaqan gobolka, iyagana go'aan ayay gaarayaan,'' ayuu hadalkiisa raaciyay Faarax Raage.

Nabaddoon Maxamed Sheekh Aadan oo isagana ka hadlay kulanka ayaa sheegay dhismihii maamulka Galmudug bulshada ku nool labadan Gobol si toos ah uga wada -hadlleen, halka dowladda Somalia doorkeedu ahaa oo kaliya mid farsamo, sidaa awgeed Nabadoonka ayaa is-weydiiyay su'aal aheyd sababta Dowladda Soomaaliya ugu guuleysan la'adahay in dadka ku dhaqan Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe la isku Madax-bannaaneeyo si ay uga wadda hadllaan qorshaha dhismaha maamulka iyo sidda saamiga loo waddaagayo.

Ugu dambeyn, Nabadoon Shuuriye Xuseen Xaayoow ayaa isna ugu baaqay xildhibaannada iyo xubnaha ku matala gobolka Hiiraan dowladda federaalka Soomaaliya inay kasoo qayb-galaan shirweyne wadda-tashi ah oo dhawaan ka furmaya magaalada Beledweyne.

Dadka sida weyn ula socda Muranka iyo is-qab-qabsiga Siyaasadeed ee ka aloosan Shirka dhismaha maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ayaa meesha ay Dhaliishu ka jirto ku Tilmaamaya Maqaanishaha Guddi Farsamo oo ay u dhan yihiin Beelaha labada gobol, kuwaasoo loo baahnaa in ay dowladda ku wareejiso socodsiinta shirka, halka hadda Wasaarrada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ay toos u maamuleyso shirka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya