4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 23, 2016
AL-SHABAAB: Haddii Kenya ay Somalia kala bixi waydo ciidankeeda weerarro ayay la Kulmaysaa


Sabti, Janaayo 23, 2016 (HOL) — Al-shabaab ayaa ku Han-jabtay mar kale inay Kenya ku qaadi doonto weerar ka culus midkii ay toddobaadkii hore ku qaadeen saldhigga ciidamada Kenya ay ku sugnaayeen ee deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo.

Afhayeenka Howlgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa sheegay inay Go’aansadeen inay ciidamada Kenya ku Weeraraan meel walba oo ay Somalia kaga sugan yihiin, maadaama ay diideen inay dalka ka baxaan.

“Kenya dhowr jeer ayaan ugu baaqnay inay ciidamadeeda kala baxdo Somalia, mar haddii ay nabaddii diideen, innaguna waxaan go’aansannay inaan ciidamada Kenya ku beegsanno gudaha Somalia iyo gudaha dalkooda Kenya,” ayuu yiri Sh. Abuu-Muscab oo la Hadlayay warbaahinta Al-shabaab.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa intaas ku daray in dowladda Kenya haddii ay go’aasanto inay ciidamadeeda kala baxdo Somalia, Annaguna waxaan ka joojinaynaa Weerarrada, laakiinse haddii ay ku adkeysato inay sii joogaan, Al-shabaab waxay balan-qaadaysaa inay si toos ah u beegsan doonto.

Afhayeenka Al-shabaab ayaa dhanka kale sheegay in Mas'uuliyiinta Kenya ay in-kireen in ciidammo nool oo Keenyaan ah ay gacanta ku hayso Al-shabaab, waxaae cad inay iyaguba hadleen oo ay ka dalbadeen dowladdooda inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya si ay uga badbaadaan gacanta xoogagga Al-shabaab.

“Mas’uuliyiinta Kenya waxay sheegeen inay been tahay in Al-shabaab ay gacanta ku hayso Ciidammo Keenyaan ah oo nool, laakiin waxaa u sheegaynaa in Gacanta aan ku hayno 12-askari oo nool,” ayuu hadalkiisa raaciyay Sheekh Abu-Muscab.

Hajnabaada Al-shabaab ayaa kusoo beegmaysa iyadoo toddobaadkii hore ay la beegsadeen saldhigga ciidamada Kenya ee deegaanka Ceel-cadde weerar culus oo ay sheegeen inay ku dileen in ka badan 100-askari oo Keenyaan ah.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Kenya ayaa maalmo ka hor ka dhawaajiyay inay ciidamada Kenya sii joogi doonaan Somalia; ayna la dagaallami doonaan kooxda Al-shabaab, illaa ay Somalia oo dhan ka saarayaan Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya