4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 23, 2016
Madaxweynaha Shiinaha oo booqanaya Iiraan oo dhawaan laga qaaday cuno-qabateyn (SAWIRRO)


Sabti, Janaayo 23, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping ayaa booqasho ku Waddanka Iiraan booqasho, kaddib markii dhawaan laga qaaday cuno-qabteyntii saarnayd, isla markaana ay dalalka Muslimka qaarkood oo ay Soomaaliya ku jirto ay xiriirkii u jareen Xukuumadda Tehran.

Booqashada Xi Jinping uu ku tagay Tehran ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo uu Iiraan ku tago Madaxweyne Shiine ah muddo 14-sanadood laga joogo, isagoo Sabtida maanta ah la kulmay dhiggiisa Iiraan, Hassan Rouhani.

Labada madaxweyne ayaa waxay kulankooda kaga hadleen amniga gobolka iyo ganacsiga. Waxaana madaxweynaha Iiraan Hassan Rouhani uu ku tilmaamay booqashada Xi Jinping mid taariikhi ah; isagoo xusay in labada waddan uu u bog cusub uu u furmay.

“Waxaan ku faraxsan-nahay in Hoggaamiyaha Shiinuhu uu booqasho ku yimaado Iiraan. Waxayna labada Waddan ku heshiiyeen inay Ganacsiga ka dhexeeya ku kordhiyaan 600-bilyan oo doollar tobanka sano ee soo socda,” ayuu yiri Rouhani.

Sidoo kale, madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay Tehran ku yiri. “Shiinuhu wuxuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Iiraan, si aan u xoojinno xiriirka ka dhexeeya labada waddan. Sidoo kale waxaanu doonaynaa in aan furno bog cusub oo aan ku horumarinayno xasilloonida ammaanka gobolka,”

Rouhani ayaa isagana shirka jaraa’id ka sheegay inay labada waddan kawada hadleen sidii ay xasillooni uga abuur lahaayeen gobolka Bariga Dhexe iyo inay caawiyaan waddamada ay ragaadiyeen argagaxisada, sida Afghanistan, Ciraaq, Suuriya iyo Yemen, isla markaana ay iska kaashadaan ka hortaggan argagaxisada.

Hoggaamiyeyaasha China & Iiraan ayaa sheegay inay iska kaashan doonaan labada wadan arrimo badan oo faa’iido ay ugu jirto gobolka iyo caalamka intiisa kale.

Dhanka kale, labadaan waddan ayaa waxay kala saxiideen 17 heshiis oo ay ka mid yihiin; horumarinta Tamarta Nuclear-ka, Ganacsiga, Warshadaha, Tiknolojiyadda Deegaanka iyo kuwo kale, sida ay baahisay wakaaladda wararka Iiraan ee IRNA.

Madaxweynaha dalka China ayaa sidoo kale wuxuu qorsheynayaa maanta in uu la kulmmo hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Wadanka Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei, balse lama sheegin waxyaabaha ay kawada hadli doonaan.

Waxaa kaloo lagu wadaa in madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping uu booqashooyin kale ku tago dalalka Saudi Arabia iyo Masar, booqashadaas oo billaaban doonta Talaadaada nagu soo foolka leh.

Xiriirka Ganacsi ee u dhexeeya Dalalka Iiraan iyo Shiinaha ayaa la sheegay inuu gaarayay 52-bilyan oo doollar sannadkii 2014-kii, balse dhaqaalahaas ayaa hoos u dhacay Sannadkii hore ee 2015-ka, taasoo loo sababeeyay qiimaha shidaalka caalamka oo hoos u dhacay.

Ugu dambeyn, Dowladda Shiinaha ayaa waxay ka mid tahay lixda quwadood ee caalamka ugu awoodda badan, kuwaas oo ay ka mid yihiin; Mareykanka Britain, Jarmalka, Ruushka iyo Faransiiska, waddamadaas oo toddobaadkii lasoo dhaafay go’aan ku gaaray inay dalka Iiraan ka qaadaan cunno-qabteyntii saarnayd.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya