4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 23, 2016
MADAXWEYNAHA: Dhaawacyada dalka aan wax looga Qaban karin DIBADDA ayaa loo Qaadayaa


Sabti, Janaayo 23, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo baararkii la weeraray ee Xeebta LIIDO ayaa sheegay in in DF Somalia ay xil weyn iska saari doonto sidii dadkii ku dhaawacmay Weerarradaas ee la sheego inaan dalka wax looga qaban karin ay dibadda u qaadayso.

Xasan Sheekh ayaa xusay inay xusuusan doonaan dadkii ku geeriyooday Weerarkii Liido, isagoo ku eedeeyay Al-shabaab inay u soo jeestaan beegsiga goobaha ay shacabku isugu tagaan.

“Dhaawacyada aan dalka wax looga qaban karin dowladdu waxay u qaadaysaa inay dalka dibaddiisa u qaado si loogu soo daweeyo, intii weeraradaas ku naf-waayayna waa xusuusan doonnaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in Al-shabaab ay naf-la-caari noqdeen, isla markaana la arki doono berri iyagoo weeraraya goobaha nugul, sida iskuulada, suuqyada iyo masaajidda.

“Kooxdaas Nabad-diidka ah Xaaladdoodu waxay kusoo ururtay - Madaxtooyada Weerara, Golaha Baarlamaanka weerara iyo guriga cadaaladda gal, halkaas ayay ka yimaadeen, berri waxaa la arki doonaa iyagoo meelo intaas kasii nugul weerar ku qaadaya; sida iskuullada, masaajidda iyo suuqyada, tabartoodana intaas ayay u dhammaanaysaa, dadka dhiigiisa inay daadiyaan maahane wax kaloo u soo haray ma jirto,” ayuu Madaxweyne Xasan Hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, weerarkii ay Al-shabaab ku qaaday baarka LIIDO Sea Food ayaa waxaa ku geeriyooday dad ka badan 25-qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro kor u dhaafaysa 40-qof, kuwaasoo la dhigay goobaha caafimaadka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya