4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 22, 2016
Tahriibayaal badan oo ku Geeriyooday Doomo ku dagay Xeebaha Jasiirado ku dhaw Dalka Turkiga


Jimco, Janaayo 22, 2016 (HOL) — Ugu yaraan 40-ruux Tahriibe ayaa ku dhintay laba shil oo kala duwan oo ka dhacay xeebaha Jasiirado ka baxsan Waddanka Turkey, iyadoo ay sii Kordhayaan qoxootiga ku qulqulaya waddamada Qaaradda Yurub.

Wararka ayaa sheegaya in dad badan aan geeri iyo nool melena lag ogeyn; kaddib markii laba doonyood ay ku degeen biyo aad u qabow badan agagaaraha Jasiiradaha Giriigga ee Farmakonisi iyo Kalolimnos.

Sidoo kale, shilkan ayaa imaanaya iyadoo Dowladaha Jarmalka iyo Turkiga ay Magaalada Berlin ee dalka Jarmalka kaga tashanayaan sidii dhibaatada qulqulka qoxootiga ay ka yeeli lahaayeen.

Hoggaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel ayaa doonaysa in Turkigu uu si aad ah u adkeeyo soohdimihiisa, taasoo dowladda Turkiga loogu beddelayo lacag iyo weliba Tashiilaad kale.

Ra'iisal Wasaaraha Faransiiska, Manuel Valls ayaa isagana ka digay in bulshada Yurub ay la kulmi doonaan xasillooni-darro haddii ay iskudayaan inay qaataan qof walba oo qaxooti ah oo Qaaradda soo gala.

Manuel Valls ayaa hadalkiisa ku daray in ururka Midowga Yurub looga baahan yahay inay qaadaan tallaabooyin deg-deg ah si loo xoojiyo adkeynta ammaanka xuduudahoodooda iyo kuwa dibadda ka ah.

Dhinaca kale, Xoghayaha Arrimaha dibadda Maraykanka, John Kerry ayaa isna sheegay in Maraykanku ay weydiisan doonaan Dalalka deeqaha-bixiya inay 30% kordhiyaan lacagaha ay sannad walba ku bixyaan codsiyada bani'aadanimo ee caalamka, si ay wadarta lacagtaas u noqoto 13-bilyan oo doollar.

Ugu dambeyn, John Kerry ayaa xusay in xukuumadda Washington ay weydiisan doonto in la kordhiyo Tirada Dalalka Qaxootiga Qaadanaya, marka uu Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama marti-geliyo shir la xiriira dhibaatada Qaxootiga Adduunka oo lagu dhinac qaban doono shirka Guud ee Qaramada Midoobay oo Bisha September ee Sannadkaan ka dhici doona magaalada New York.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya