4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 22, 2016
Dowladda Koonfur Afrika oo Maanta si Adag uga hadashay weerarkii xalay ka dhacay Xeebta Liido


Jimco, Janaayo 22, 2016 (HOL) — Dowlada Koonfur Afrika ayaa si adag u Cambaareysay Weerarkii ay Al-shabaab xalay ku qaadeen maqaayad ku taalla Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho, taasoo ay ku dhinteen in ka badan 25-qof.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Koonfur Afrika ayaa ugu horreyn tacsi loogu diray dadkii ku geeriyooday weerarkaas, waxayna sidoo kale dadkii ku dhaawacmay weerarkaas u rajeeyeen caafimaad dhaqso ah.

“Anigoo ku hadlaya magaca Xukuumadda iyo Shacabka Koonfur Afrika, Waxaan Halkaan tacsi ugu dirayaa madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud, Xukuumadda Federalka iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladii ay uga Geeriyoodeen kuwii ay jeclaayeen Weerarkii kooxda Al-shabaab ay maqaayadda ku taalla xeebta liido ku qaadeen; waxaana rajeynayaa in kuwii ku dhaawacmay ay soo kabtaan," ayuu madaxweynaha dalka Koonfur Afrika, Jacob Zuma Warbixintaan ku yiri.

Sidoo kale, Qoraalkan ayaa lagu xusay in dowladda Koonfur Afrika ay garab-taagan tahay Midowga Afrika iyo Beesha Caalamka, iyadoo lagu xusay inaan la aqbali karin weerarrada micno-darrada ah ee ay Al-shabaab ku beegsanayso shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Ugu dambeyn, War-saxafaadeedka ayaa lagu sheegay in Dowladda Koonfur Afrika ay ka go’an tahay Taageeridda Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Dhinacyada mashaariicda awoodda iyo dhismaha hay’adaha, iyagoo kooxaha iyo shaqsiyaadka qaska kawada Soomaaliya loogu baaqay inay ka Waantoobaan falalka gurracan ayna ku biiraan geeddi-socodka nabadda iyo horumarinta dalkooda.

Cumar Muxumed Maxamed (Kiyow)
[email protected]
Johannesburg, Koonfur Afrika