4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 21, 2016
Xuska Maalinta qorista Af Soomaaliga oo Maanta lagu qabtay Magaalada Laascaanood (SAWIRRO)


Khamiis, Janaayo 21, 2016 (HOL) — Xaflad lagu xusayay maalinta qorista far Soomaaliga oo ku beegan 21-ka Jannaayo oo ay soo qaban-qaabiyeen ururka dhallinyarada ee Gobolka Sool ayaa lagu qabtay Jaamacadda Nugaal ee magaalada Laascaanood, xuskan oo ahaa kii ugu horreeyay noociisa oo gobolka Sool lagu qabto ayaa waxaa ka qayb-galay, macalimiin, Abwaano, Qurbo-joog, Arday iyo ururrada bulshada.

Guddoomiyaha ururka dhallinyarada gobolka Sool, Fu'aad Cabdi Nuur Maxamed ayaa ugu horeyn ka hadlay xuska, isagoo sheegay muhiimada ay ummad kasta u leedahay luqadeeda, isagoo ku dheeradaay dhaawacyada soo gaadhay afka Hooyo muddadii burburku jiray iyo sida la rabo in looga soo kabto.

Abwaan Jaamac Kadiye Cilmi ayaa isna halkaas ka sheegay Hadallo dhibaato ku ah Afka Soomaaliga; isagoo dadka ugu baaqay in la adeegsado hadallada fiican ee Af-Soomaliga aan dhaawaca u keenayn, isagoo tilmaamay in dhibku uu u muuqdo dadka indheer-garadka ah.

"Haddii aan laga digtoonaan oo aan la daba-qaban luuqada Soomaaliga waxaa dhici doonta in Waqti dhaw la garan-waayo Soomaaliga Saxda ah, sida hadda ka muuqata Warbaahinta oo da'yartu ay is-weydiyaan ereyo badan," ayuu Abwaan Kediye yiri.

Sidoo kale, Cismaan Cabdi Nuur Xaashi oo ah Suxufiga keliya ee gobolka Sool kaga sugan Suxufiyiintii waaweynayd, isla markaan buugaag dhawr ah ka qoray afka Soomaaliga ayaa isagana halkaas ka hadlay, Wuxuuna amaanay dadka sida wayn uga shaqeeya Horumarinta Afka Soomaaliga, dadkaas oo uu ka xusay suugaan-yahanka Soomaaliyeed Axmed Faarax Cali Idaajaa.

Wariye Cismaan ayaa soo bandhigay heeso uu ka sameeyey dhibka haysta af Soomaaliga, isagoo xusay inay baylah weyn haysato, Waxaanuna tilmaamay in dhinaca waxbarashada ay tahay tan ugu mudan, waxaanu kusoo gaba-gabeeyay hadal aad loola dhacay oo uu ku tilmaamayey boorarka meheradaha Luuqadaha lagu qoro; isagoo ku sheegay inay waxooda naceen wax kalena jeclaadeen.

Inj.  Maxamed Xasan Xaaji oo ka mida qurbo-jooga ayaa halkaas ka sheegay in goob-joog uu u ahaa maalintii qoraalka Af-Soomaaliga ay daadiyeen diyaaradihii dowladdii Somalia, wuxuuna ka sheekeeyay inuu ka xusuuto maalinkaas.

Hablo Abwaanno ah oo da’yar ah ayaa iyaguna xaflada ka hadlay waxayna si diirran u soo dhaweeyay Xuskaan Maalinka Xuska Af Soomaaliga; Waxayna guud ahaan Dhallinyarada Soomaaliyeed ugu baaqeen in la nooleeyo Afka Soomaaliga.

Ugu dambeyn, munaasabada oo ahayd tii ugu horreysay ee deegaankaan lagu qabto ayay si kala duwan uga hadleen dadkii kasoo Qayb-galay, iyagoo is-weydaarsanayeen hadallo inta badan tibaaxaya tubtii turaanturrada iyo tawsta looga saari lahaa Afkeenna Hooyo.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool