4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 21, 2016
Qarax iyo weerar toos ah oo Caawa lagu Qaaday Hoteel ku yaalla Xeebta LIIDO ee Muqdisho


Khamiis, Janaayo 21, 2016 (HOL) — Qarax Culus ayaa Goor-dhaweyd ka dhacay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, halkaasoo xilliyada habeenkii ah ay tagaan boqollaal dad ah si ay ugu caweeyaan, iyadoo wararku sheegayaan in la weeraray Hotel Liido  Sea Food.

Qaraxan oo ismiidaamin ahaa ayaa laga maqalay inta badan degmooyinka Muqdisho, balse illaa hadda lama ogeyn khasaaraha ka dhashay iyo cidda lala beegsaday, inkastoo xilliyada habeenkii ah tagaan halkaas mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Somaaliya.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in la weeraray hoteel lagu magacaabo Liido Sea Food oo ka mid ah hoteellada ku yaalla xeebta Liido, waxaana wararku intaas ku darayaan inay kooxo hubeysna oo loo maleynayo inay Al-shabaab ka tirsan yihiin ay hoteelkaas gudaha u galeen, ayna ka dhex-dagaalamayaan.

Raasas cusub ayaa laga maqlayaa xeebta Liido, Gaar ahaan hoteelka la weeraray , iyadoo ay gaareen halkaas ciidammo ka tirsan kuwa nabad-sugida Qarnka oo la sheegay inay isku hareereeyeen hoteelka ay kooxaha hubeysan galeen.

Dhanka kale, hoteelka ayaa la sheegayaa inay ku jiraan dadkii shacabka ahaa ee ku sugnaa, waxaana hoteelkan ay ku dhaw yihiin hoteello kale oo ay dadweyne badan ku sugnaayeen, balse lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay weerarkan.

Ugu dambeyn, Qarax kale oo weyn ayaa laga maqlay Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn weli halka uu ka dhacay, waxaana shacabka Muqdisho ay Caawa aad u hadal-hayaan Qaraxyada is-xiga ee ka dhacay Caasimadda Soomaaliya.

Wixii warar ah ee kusoo kordha Qaraxa waxaad kula socon doontaan wararka soo socoda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya