4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 21, 2016
MADAXWEYNAHA SOMALIA: Waa in la Xoojiyo Af Soomaaliga, Dhaqankana lagu faano (Sawiro)


Khamiis, Janaayo 21, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa sheegay in ummad kasta ay horumar ku gaari karto oo keliya markii ay Awooddooda isugu saarto adeegsiga luqaddeeda iyo dhaqankeeda.

Xasan Sheekh ayaa hadalkaan ka sheegay Munaasabadda Sannad-guuradii 43-aad ee kasoo wareegtay markii la dhaqan-geliyey qorista Af Soomaaliga oo maanta lagu qabtay Xarunta Akadeemiyada Cilmiga, Dhaqanka, Suugaanta iyo Fanka Soomaaliyeed ee Muqdisho.

“Qorista Afka Soomaaliga wuxuu ka mid yahay Guulaha ay Dadka Soomaaliyeed ku Faani karto. Go’aanka lagu hir-galiyay qorista Afkeenna 43 sano ka hor waxaa ku jirta fikir ah in marka la helo nidaam iyo kala dambeyn wax walba iyo horumar kasta la gaari karo. Waan og-nahay in muddo dheer ay socdeen dadaallo la doonayay in lagu qoro Afka Soomaaliga, Laakiin sannadkii 1973-kii uu noqday sannadkii ay xukuumadda waagaas jirtay hir-galisey riyadaas ay mudada dheer qabeen shacabkeena. Waxaa dhammaanteen waajib inaga saaran yahay inaan xoogga saarno xoojinta Af Soomaaliga, aana ku faanno Hiddaha & Dhaqanka Qaniga ah ee aanu leennahay,’’ ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynaha Somalia ayaa intaa ku daray in dowladda federaalka Somalia oo la kaashaneysa hay’adaha kala duwan ee jira ay Diyaar u tahay in Afka Soomaaliga la xoojiyo , iyadoo si gaar ah loo tix-gelinayo muhimada afka uu u leeyahay dalka iyo siduu wax uga tari karo horumarka iyo adkeynta midnimada.

“Luuqaddu waxay xambaarsan tahay - Taariikhda, Dhaqanka, Hiddaha, Caqiidada iyo wax walba oo ummad ku faani karto ama horumar ku hiigsan karto. Markaad eegto waddamada horey u maray ee caalamka, midkoodna heer kuma gaarin luuqad shisheeye. Waa inaan ku faannaa Afkeenna Hooyo, macaamiilkeena iyo xiriirkeenana uu noqdaa Af-Soomaali, heer dowladeed iyo bulsho intaba. Luuadaha qalaad waxaa inooga filan inaan ka barano inta aan caalamka kula xiriireyno, Laakiinse waxaa mar walba muhiimadda koowaad leh Afkeenna. Waxaanan Dhiirri-gelinayaa Kobcinta Erey-bixinada Afka Soomaaliga oo la Jaan-qaadaya adeegyada maamulka iyo tan tiknoloojiyada casriga ah,’’ ayuu Madaxweynuhu Hadalkiisa ku daray.

Madaxweynaha wuxuuu bogaadiyay tallaabadii dhawaan uu qaaday maamulka Gobolka Banaadir ee ahayd in dhammaan Boorarka goobaha Ganacsiga Muqdisho suran lagu qoro Afka Soomaaliga, isagoo dhanka kalena xusuusiyey shacabka in ay xil weyn iska saaraan ilaalinta iyo kobcinta Afkooda, maadaama Hay’adda QM u qaabilsan culuunta, dhaqanka iyo sayniska ee UNESCO ay sheegtay inuu Afka Soomaaligu ka mid yahay afafka khatarta ugu jira inay ka dabar go’aan Dunida.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in dhamaan hay’adaha ka hawl-gala dalka sharciyada ay ku shaqeynayaan lagu qoro Afka Soomaaliga, Wuxuuna ugu baaqay Qurba-joogta Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii ay u bari lahaayeen carruurtooda afka Hooyo, Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.

Wuxuu dhanka kale madaxweynaha Somalia uu ammaanay ammaanay doorka wanaagsan ee uu kobcinta Af Soomaaliga ka qaatay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha ayaa munaabaddaas abaalmarino ku guddoonsiiyay dhalinyaro iyo haween Soomaaliyeed oo ka kala socday gobollada kala duwan ee dalka, kuwaasoo ka qayb-qaatay Tartanka Suugaanta iyo Farshaxanka oo lagu xusayay maalinta qorista farta Soomaaliga ee 21-ka Jannaayo.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia ayaa xafladda ka hor si rasmi ah xarigga uga jaray Xarunta Akadeemmiyada, Cilmiga, Dhaqanka, Fanka & Suugaanta oo dagaalladii sokeeye kaddib dib loo dayac-tiray.

Munaasabada 21-ka Jannaayo, waxaa goobjoog ka ahaa hadallana ka jeediyay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen; Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ee, Khadar Bashiir Cali, Wasiirka Warfaafinta, Max'ed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiir ku-xigeenka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Muumino Sheekh Cumar iyo mas’uuliyiin kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya