4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 21, 2016
Somaliland: Xarunta Xuquuqul Insaanka oo Maanta Cambaareysay Musaafurinta Ajaanibta


Khamiis, Janaayo 21, 2016 (HOL) — Xarunta Xuquuqul Insaanka Somaliland ayaa maanta cambaareysay maanta qaabka loo Musaafurinayo Dadka Ajaanibta ah ee Dalka Itoobiya ka soo jeeda, iyagoo xusay inaanay habooneyn in si wadar ah dadkaasi loo mustaafuriyo.

Hay’adda Xuquuqul Insaanka Somaliland ayaa hadalkaan ku sheegtay War-saxaafadeed ay soo saartay, wuxuuna u qornaa sidan:

“Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysaa Xukuumadda Somaliland inay joojisaa dhoofintan balaadhan ee wadarta ah. Sodonkii casho ee loo qabtay xitaa weli ma dhamaan. Haananka dadka loo dhoofinayo waa inuu ku saleysnaado qiimeyn lagu sameeyo qof walba gaarkiisa si waafaqsan hal-beegyada caalamiga ah. Xaruntu waxay walaac weyn ka qabtaa ururinta dadka sida wadarta ah loogu qaadayo gaadiidka kadibna la geynayo xuduuda iyada oo aanay jirin hab iyo cid ka horeeysa oo ku daryeesha Halkaas.”

“Sidoo kale waxaan la ogaan karin tirada dhibaato ku soo gaadhi karta Itoobiya marka dib loogu celiyo, iyada oo maanka lagu hayo in intooda badan ay yihiin qoomiyadd Oromada.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay kula talinaysaa xukuumadda inay qof walba gaarkiisa u qiimayso ee aanay ka dhigin talaabo si wadar ah loo qaado si looga baaqsado in dadka qaar dhibaato soo gaadho marka la celiyo.

Somaliland waxa jooga dad badan oo Itoobiyaan ah oo intooda badan aanay haysan sharci halka qaarna ay u diiwaangashan yihiin magan galyo doon iyo qaxoonti. Wasaaradda dib u deijnta ayaa mas'uul ka ah diiwaan-gelinta codsiyada. Wasaaradduna waxay leedahay laba goobood oo keliya oo ay ku diiwaan-geliso Ajaanibta. labadaas goobood oo Hargeysa iyo Berbera ku kala yaalla,” ayuu yiri Guddoomiyaha Xaruntan, Guuleed Axmed Jaamac.

Dhinaca kale, Gaarri siday dad ajnabiga ah oo loo waday Itoobiya, ayaa qalibmay waxaana ku geeriyooday afar ruuux oo isugu jiray laba Askari iyo laba Ajnabi ah, waxaana kaloo ku dhaawacmay Afartameeyo Ruux oo Afar ka mid ahi ay ahaayeen askartii la socotay.

Si kasta oo ay tahay, Dadka Ajaanibta ah ee u dhashay waddanka Itoobiya ayaa dhammaan magaalooyinka laga soo ururiyey, waxaana loo gudbiyey dhinaca xadka Itoobiya, waxaana illaa sideed iyo afartankii saacadood ee u dambeeyey Xadka Itoobiya laga tallaabiyay in ka badan laba kun oo qof, kuwaasoo laga soo ururiyay gabi ahaan deegaanadda Somaliland, iyadoo illaa hadda socoto ururinta dadkaasi.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland