4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 21, 2016
SAWIRO: Baladweyne oo lagu Qabtay Xaflad lagu Sagootinayay Saraakiil & Ciidan Jabuutiyaan ah


Khamiis, Janaayo 21, 2016 (HOL) — Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharm'arke, Wasiirka Gaashaandhigga dalka Jabuuti Xasan Dharaar Hufane, wasiiro, xildhibaanno, safiirka dalka Jabuuti, saraakiil ciidan iyo mas'uuliyiin ka kale oo ka kala tirsan labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa Beledweyne uga Qayb-galay Munaasabad lagu Sagootinayay Saraakiil iyo cutubyo ka tirsan ciidammada Jabuuti.

Munaasbadda oo ahayd mid si weyn loo soo Agaasimay, ayaa waxaa sidoo kale ka Qayb-galay mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha Ciidanka dowladda Somalia, kuwa AMISOM, odayaal, waxgarad iyo marti-sharaf kale.

Wasiirka Difaaca Jabuuti, Xasan Dharaar Hufane oo Khudbad ka jeediyay Xafladdan ayaa sheegay in saraakiisha iyo ciidamada Jabuuti ee la bedelayo ka howl-galayeen Magaalada Beledweyne saddexdii sanno ee ugu danbeysay, waxaana uu intaas ku daray inay muddadii howlgalka ay u joogeen Soomaaliya ay Ciidankan qabteen shaqo wanaagsan oo ay ka mid ahaayeen sugida ammniga, dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo guud ahaan mashaariic hormaraneed oo ay qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan ka fuliyeen.

Wasiirka wasaarrada gaashaandhiga xukuumadda Somalia, ayaad dhinaciisa erayo mahad celin ah u jeediyay dowladda Jabuuti iyo guud ahaan ciidammada Jabuuti ee Hiil-Walaal oo mudadii ay gobolka joogeen kaalin mug leh ka qaatay marka laga soo tago doorkooda howlgalka AMISOM hormarinta adeegyada kala duwan ee bulshada, waxaana u rajeeyay ciidammada cusub iyo saraakiishooda shaqo wacan.

Ra'iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke oo khubad heer ka jeediyay Munaasabadda ayaa sheegay in mahad-celin ka mudan yihiin guud ahaan Waddamada Ciidamadooda u soo diray Soomaaliya, Haddii ay ahaan lahaayeen; Uganda, Burundi, Jabuuti iyo Itoobiya oo dhammaantood dowladda Soomaaliya ka gacan siinayan Sugidda Ammniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, hasse ahaatee waxaa uu si gaar ah ciidammada Jabuuti ugu amaaanay inay mar walba Shacabka uga dhaw yihiin ciidanka kale ee AMISOM.

Saraakiisha la beddelay ee dalkooda dib ugu laabanaya waxaa ka mid ah; Colonel Cismaan Dubbad oo ka mid ahaa Saraakiisha ugu Magaca-dheer Howlgalka AMISOM ee Gobollada Dhexe ee Somalia, Dhinaca kalana ahaa - Sarkaal si weyn ugu Xirnaa Bulshada ku Dhaqan gobolka.

Waxqabadkii ugu dambeeyay ee ciidamada dalka Jabuuti, gaar ahaan Col. Cismaan Dubad lagu xasuusan doono ayaa waxaa ka mid ah Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Buula-burte oo hadda ah Garoon Diyaaradeed oo ay Isticmaalaan Duullimaadyada Shacabka iyo kuwa ganacsiga intaba.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya