4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 21, 2016
Shirkii Golaha Wasiirrada Soomaaliya ay Maanta yeesheen oo looga Hadlay Qodobbo kala Duwan


Khamiis, Janaayo 21, 2016 (HOL) — Golaha Wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana looga hadlay Qodobbo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen; Weerarkii Al-shabaab ay ku Qaaday Jimcihii lasoo dhaafay Saldhigga AMISOM ee deegaanka Ceel-cadde oo ka tirsan gobolka Gedo.

Kulanka ayaa waxaa warbixin looga dhageystay Wasiirrada Amniga Somalia oo faahfaahin ka bixiyay weerarkii argagixisadu ku qaadday saldhig fariisin u ahayd ciidamada Kenya ee Qaybta ka ah howlgalka AMISOM, halkaasoo ay Wax-yeello dhimasho iyo dhaawacba leh kasoo gaartay.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Somalia, Maxamed Cumar Carte ayaa tacsi u diray dowladda iyo shacabka Kenya, isagoo uga tacsiyadeeyey geerida askartooda kasoo gaartay Weerarkii deegaanka Ceel-cadde, isagoo ku Ammaanay Dowladda Kenya garab-is-taageeda Somalia.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyada Somalia, Maxamed Aadan Fargeeti ayaa isagana xusay in Bankiga dhexe ee Soomaaliya uu billaabay bixinta mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Somalia, lana bixinayo mushaarka labo bilood.

Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa Kulan is-barasho ahaa la yeeshay wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia, Danjire Michael Keating, wuxuuna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu soo booqdo xarunta Golaha Fulinta Dowladda Soomaaliya, xurmo weyna u hayo shaqada culus ee ay shacabkooda u hayaan.

Ugu dambeyn, Golaha Wasiirada xukuumadda Somalia ayaa ugu hambalyeeyay ummadda Soomaaliyeed munaasabadda sanad-guurada maalinta Qorista Farta Soomaaliga oo maanta ku beegan, waxayna ku booriyeen shacabka in Ruux kasta oo Soomaali ah uu si aad ah ugu dadaallo horumarinta iyo ku hadalka luqadooda Hooyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya