4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 21, 2016
Al-shabaab oo Maanta soo bandhigtay Sawirrada gaadiidkii ay ku qabsadeen Weerarkii Ceel-cadde


Khamiis, Janaayo 21, 2016 (HOL) — Al-shabaab ayaa soo Ban-dhigtay Maanta Sawirrada Gaadiidkii ay ku gubeen iyo kuwii ay ka Qabsadeen weerarkii ay Jimcihii lasoo dhaafay ku qaadeen Saldhiga Ciidanka AMISOM ee deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo, waxaana Saawirradan ku jira qaar ka mid ah Askartii Kenyanka ah ee ay Gacanta ku dhigeen iyagoo nool.

Gaadiidka ay Al-shabaab soo ban-dhigtay ayaa waxaa ku jira Baabuurta Gaashaman oo ay caanka ku yihiin ciidamada AMISOM, kuwaasoo ay ka muuqdaan calaamada AU oo ay ku jiraan beebayaasha qufulan.

Sidoo kale, waxaa sawirradan ka mid ah sanaadiiq ay ku jiraan rasaas taasoo ay sheegeen inay kasoo qaateen Saldhiggii la weeraray, waxayna Al-shabaab sheegtay in gaadiidka ay qabsadeen ay ka mid yihiin 28 gaari oo Land Rover-ka loo yaqaan ee ay ciidamada Kenya isticmaalaan.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaa shalay soo Ban-dhigtay Maydadka Ciidamadii ay ku dileen weerarkii ay ku qaadeen saldhigga Ceel-cadde, iyadoo sheegtay inay ku dileen weerarkaas 100-askari oo Kenyan ah, inkastoo Kenya aysan weli sheegin tirada askarta laga dilay.

Ugu dambeyn, weerarkii ay Al-shabaab ku qaadday saldhiggii ciidanka Kenya ee ka tirsan AMISOM ee Deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gobolka Gedo ayaa noqonaya Weerarkii ugu xoogga badnaa ee Ciidamada Kenya ay ku qaadaan tan iyo markii ay Soomaaliya soo galeen muddo afar sannadood laga joogo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya