4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 21, 2016
Xubno ka Socda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Maanta Tagaya Waddanka Burundi


Khamiis, Janaayo 21, 2016 (HOL) — Mas'uuliyiin ka tirsan Golaha Amaanka ee QM ayaa maanta booqan doonaan dalka Burundi, si ay u dhiirri-geliyaan wadahadallada nabadda iyo in ay isku dayaan soo af-jarida rabshadaha ka aloosan dalkaas.

Qorshaha Madaxweyna Burundi, Pierre Nkurunziza ee ahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxtinimada dalkaasi ayaa bishii Abriil ee sannadkii aynu ka soo gudubnay waxaa ka dhashay banaan-baxyo, Inqilaab dhicisoobay iyo waliba kacdoon dalkaas qarka u saaray colaado sokeeye.

Tani waa booqashadii labaad ee Xubno ka socda Golaha Ammaanka ee QM ay ku Tagaan Buirundi. Iyadoo tan iyo Sannadkii lasoo dhaafay ay sare u sii kacayeen walaaca ay beesha calaamku ka qabto xalaadda sii xumaanaysa ee Burundi ka socda.

Sidoo kale, waxyaabaha walaaca xooggan laga muujiyay ayaa waxaa ka mid ah inay wada-haddalo dhab ah ka yeeshaan Xaaladda siyaasadeed ee dalkaas iyo in xukuumadda dalkaas ay aqbasho in ciidammo ka socda Midowga Afrika dalkaas la geeyo si looga hor-tago Xad-gudubyada lagu hayo dadka rayidka ah.

Danjiraha Dalka Faransiiska u Fadhiyo QM ayaa sheegay arrinta dheeraadka ah inay tahay in laga hor-tago in Qalalaasaha Dalkaas uu isu badalo xad-gudub Qabiil ku saleysan, balse muran la’aan xaaladda hadda faraha ayay ka baxday.

Toddobaad ayaa laga joogaamarkii madaxa QM u qaabilsan arrimaha aadanaha uu sheegay wuxuu ku Tilmaamay, Kufsi-wadareed inay geysteen Ciidammo ka tirsan kuwa ammaanka dalka Burundi.

Mas’uulkan ayaa intaas ku daray inay jiraan bar-tilmaameedsi ka dhan ah Tutsi-ga oo ay ka dameeyaan Hutuga, maadaama ay deris ahaayeen tani iyo Xasuuqii ka dahacay Waddanka Rwanda sannadkii 1994-kii.

Ugu dambeyn, wuxuu mas’uulkani carrabka ku dhuftay in dhammaan astaamaha dalkaasi lagu arkayo ay muujinayaan xaalada wadankaas ka jirta inay tahay mid aad u xun.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya