4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 21, 2016
Wasaarada Maaliyada oo shacabka la qaybsatay dood la xiriirta Miisaaniyada 2016 (SAWIRRO)


Khamiis, Janaayo 21, 2016 (HOL) — Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Somalia ayaa qabatay madal looga dooday miisaaniyadda Qaran ee 2016-ka, waxaana madasha goobjoog ka ahaa bulshada qaybaheeda kala duwan, iyadoo dadka ku nool daafaha caalamku ay uga Qayb-qaadanayeen Khadadka Telefoonnada, Facebook, iyo Twitter, si ay Wax badan uga ogaadaan qaabka ay miisaaniyadda dalku u soo xarooto, meelaha ay ka kala timaado iyo qaabka ay u baxdo.

Kulankan shacabka lala wadaagayo Miisaaniyada ayaa noqonaya midkii ugu Horreeyay ee wasaaradu kula qaybsato xogta ku aadan Miisaaniyadda soo gasha dalka, waxaana doodda ka Qayb-galay, Xildhibaan Cilmi Maxamuud Nuur oo ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka ah; isla markaana ah Guddoomiyaha Guddi-Hoosaadka Maaliyadda iyo Miisaaniyadda ee baarlamaanka Somalia, sidoo kale Khabiir dhanka dhaqaalaha ah, Xuseen Siyaad Caato iyo Agaasimaha Waaxda Miisaaniyada, Axmed Cabdi Aden [Iraad].

Agaasimaha waxaada Miisaaniyadda ayaa faafhin dheer ka bixiyey heerarkii ay soo martay Miisaaniyada sannadihii ugu dambeeyay, isagoo tilmaamay inay muhiim tahay in shacabka canshuurta laga qaado lala wadaago qaabka ay ku baxdo miisaaniyadda.

“Miisaaniyadda guud ahaan waa hab Dowldda ay ku gaarto hadafyadeeda shaqo, waxayna ka kooban tahay soo Xareyn Dakhli iyo qoondayn sida uu ku baxo Dakhligaas, Waxayna taabanayasaa arrimaha dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo siyaadsadda, waana meesha laga eego dowladda xaaladeedda dhaqaale iyo waxqabadkeeda hadey ahaan lahayd caalamka ama shacbiga Soomaaliyeed. Sidoo kale Miisaaniyadu waa odoros dakhli, iyadoo markasta maskaxda lagu hayo siyaasadda guud iyo mudnaanta dowladdu dajiso oo ku aaddan halka ay dooneyso in dowladdu waax ka qabato sanad miisaaniyadeedkaas,” ayuu yiri Axmed Iraad.

Sidoo kale, Agaasimaha Waaxda Miisaaniyadda ayaa sheegay in shantii Sanadood ee lasoo dhaafay uu muuqaday isbadal badan oo dhanka Miisaaniyadda ah, Wuxuuna Tilmaamay in Sannadkii 2010-ka, Miisaaniyadda Xukuumaddu ahayd 35-milyan, Maantana ay Marayso 246-milyan oo 60% lagu jaan gooyeey dakhliga gudaha ka soo xarooda, wuxuu sidoo kale sheegay Muhiimadda ay leedahay in shacabku ogaadaaan qaabka lagu bixinayo Lacagtaas, marka la fiiray Qoondada Miisaaniyaddu ma ahan mid badan, badankeedanna Waxaa lagu daboolaa dhanka amniga, mushaaradka ciidamada iyo tasiilaadkooda, waxaa jira qaybo yar kale oo loogu talagalay dhanka horumarinta.

Xildhibaan Cilmi ayaa tilmaamay in baarlamanka uu ku leeyahay door xadidan marka laga hadlayo Miisaaniyadda, kaalintaasna ay ku kooban tahay oo kaliya waafajinta sharciga.

Doorka Miisaaniyadda uu ku leeyahay barlamaanku waa mid xadidan, waxaana ka fiirinaa in ay tahay mid Xaqiiqa ah oo la heli karo, Dhanka Sharciga oo ah in ay la socoto Qorshe howleedka dowaldda, Xisaab ahaan sax ma tahay iyo in si wanaagsan laysugu dheeli tiray. Soo diyaarinta iyo qaabaynta waxaa iska leh xukuumada inay yiraahdaan awooda dhaqaale dalku waa intas, baarlamaanku wuxuu samayn karaa talo soo jeedin. Waxaa xusid mudan in sadex sano ee ugu danbeeyey uu dhismayaey maamulka maaliyadeed ee dalka, waxaana muuqata Tallaaboyin badan oo Horumar leh, Waxaana hadda socda Sharciyo lagu dhisayo nidaamka maaliyadeed ee dalka,” ayuu Xilidhibaan Cilmi yiri.

Ugu dambeyn, Xuseen Caato oo ah khabiir dhanka maaliyada ah oo ka qayb-galay Doodda ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay inay dadajiso Shuruucda lagu qaadayo Can-shuuraha si loo soo xareeyo dakhli intaa ka badan, wuxuuna sidoo kale tilmaamay in hadda Miisaaniyadda lagu Shaqeeyo ay Tahay Dhiig-joojin ee aan lagu Sheegi Karin Miisaaniyad Dowladeed marka la fiirsho cadadkeeda iyo meelaha loogu talo galay in lagu bixiyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya