4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 21, 2016
Wufuud ay RW Sharmaarke & Wasiirka Difaaca Jabuuti Hoggaaminayeen oo Gaaray Beledweyne


Khamiis, Janaayo 21, 2016 (HOL) — Waxaa goor-dhaw soo gaaray degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan wafdiyo ay kala hogaaminayaan RW Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharm'arke iyo Wasiirka difaaca Jabuuti Xasan Dharaar Hufane.

Wafdiga RW Sharm'arke, waxaa ka mid ah wasiirka gaashaandhigga Somalia, Jen C/qaadir Sh. Cali Diini, wasiirka Amniga, C/risaaq Cumar Maxamed, wasiirka Batroolka & tamarta, Maxamed Mukhtaar Ibraahim, Taliyaha CXD Somalia, xildhibaanno iyo mas'uuliyiin kale.

Dhinaca wafdiga Jabuuti ee uu hoggaaminayo Wasiirka difaaca waxaa ka mid ah taliye ku-xigeenka ciidamada Jabuuti iyo saraakiil kale.

Mas'uuliyiinta ayaa magaalada Beledweyne uga qayb-galaya xaflad balaaran oo ay Xilalka kula kal wareegayaan saraakiishii ciidajka dalka Jabuuti ee qaybta ka Hawlgalka Midowga Afrika, waxaana la filayaa in taliska ciidanka ay la wareegaan saraakiil cusub.

Xafladda oo ah mid si Qurux badan loo soo Agaasimay waxay xilligan ka socotaa xarunta maamulka gobolka Hiiraan.

Goor-dhaw filo Sawirrada Socdaalka Wafdiga oo Dhameystiran haddii ALLE ogolaado.....

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya