4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 19, 2016
Xukuumadda Kenya oo sheegtay in 53 Xubnood oo Al-shabaab ka Tirsan lagu Dilay Howl-gallo


Talaado, Janaayo 19, 2016 (HOL) — Ugu yaraan 53-dagaalyahan oo ay ka mid yihiin 10-sarkaal oo ka tirsanaa Al-shabaab ayaa lagu dilay laba howlgal oo millateri oo maanta lala beegsaday saldhigyo ay Al-shabaab ku leedahay Koonfurta Somalia; sida maanta baahisay xukuumadda Kenya.

Howlgalladan ayay sheegtay Kenya inay ahaayeen kuwo duqeymo ah, Waxaana ka Qayb-qaatay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee Drones-ka loo yaqaan; iyadoo duqeyntii ugu horreysay lala beegsado xeryo ay Al-shabaab ku lahayd deegaanno u dhexeeya Baardheere iyo deegaanka Buur-xaaji; halkaasoo lagu dilay laba sarkaal lagu sheegay Magacyadooda; Jaamac Dheere iyo Ismaaciil Jabhad.

Sidoo kale, saacado kaddib ayay sheegtay Kenya inay duqeymo dhulka ah ay la beegsatay deegaanka Jungal oo 40-km galbeed ka xigta magaalada Baardheere ee gobolka Banaadir, taasoo ay sheegeen inay ku dileen 51-dagaalyahan oo ay ku jiraan tiro saraakiil dhexe ah oo ay ku jiraan kuwii ka dambeeyay weeraradii lagu qaaday degmada Mandheera ee dalka Kenya.

Afhayeenka millateriga Kenya, Col. David Obonyo ayaa sheegay in duqeymahan lagu bur-buriyay 11 baabuur oo isugu jiray xamuul iyo kuwa dagaalka, ayna tiro kale oo xoogagga Al-shabaab ah ay iyagoo dhaawac ah baxsadeen.

“Jungal waxaa ku yaalla saldhig weyn oo ay Al-shabaab ku lahayd gobolka Gedo, waana halka ay kasoo abaabusho weerarrada ay ka geysanayso deegaannadaas, waana saldhigga ugu weyn ee ay isugu imaan jireen,” ayuu yiri Col. Obonyo.

Duqeynta ay Drones-ka Mareykanku maanta ku dileen Jabhad iyo Dheere waxay qayb ka yihiin howgallada gaarka ah ee Dowladda Mareykanku ku beegsanayso, Argagaxisada ku sugan Soomaaliya iyo Kenya.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka lagu dilay labadan sarkaal ayaa warbaahinta u sheegay inay maqleen madaafiic culus, duqeynta kaddibna ay arkeen xoogag ka tirsan Al-shabaab oo soo buuxiyay deegaankaas oo qiyaastii 460-km galbeed kaga beegan Muqdisho, halkaas oo ay ka heleen mid ka mid ah labadii sarkaal ee duqeynta diyaaradeed lagu dilay.

“AMISOM waxaa ka go’an inay sii waddo Hawl-gallada ka dhanka ah Al-shabaab Tan iyo inta laga xaqiijinayo ammaanka guud ee Soomaaliya,” ayay saraakiisha ciidanka AMISOM horay ugu sheegeen warbaahinta gudaha iyo kuwa dunida.

Ugu dambeyn, diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee aan duuliyaha lahayn ayaa horay ugu dilay deegaanno ka tirsan Koonfurta Soomaaliya Saraakiil Al-shabaab ka tirsanaa oo uu ku jiray sarkaal lagu magacaabo Aadan Garaar iyo hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab Axmed Cabdi Godane.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya