4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 19, 2016
Ciidamada Ammaanka Somaliland oo billaabay maanta olole ay ku raafayaan dadka Ajnabiga ah


Talaado, Janaayo 19, 2016 (HOL) — Ciidanka Amniga Somaliland ayaa billaabay maanta ololaha lagu raafayo dadka Ajanabita ah ee ku nool Somaliland.

Boqollaal qof oo isugu jiray dhallinyaro iyo waayeel ayaa laga ururinayay Hargeysa iyadoo loo mustaafurinayay dalalka ka yimaadeen, gaar ahaan Itoobiya oo inta badan ajaanibka ku nool Somaliland ka yimaadeen.

Ajaanibta ayaa loo qabtay muddo gaaban oo bil ah; taasoo loogu sheegay inay ka dhamaan Somaliland isaga baxaan, Haddii aanay sifo Sharci ah kusoo gallin, Waxaana shacabka iyo ciidanka Amniga oo is kaashanayaa ururinayey dadka ajanabiga ah, halka qaarkood horaba iskaga diyaar garoobeen si ay u fuliyaan amarka xukuumadda ee ahaa in ajanabiga aan sifo sharci ah ku soo gallin dalka iskaga baxo.

Dadweynaha ayaa soo dhaweeyey ajnabigii aan sharci ku joogin ay Somaliland ka baxeen, waxaana indhahaygu qabanayeen shacab gacan siinayay ciidamada Ammaanka, Waxaana dadkii lasoo qab-qabtay lagu wareejinayay ciidanka laanta socdaalka Somaliland.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]                                
Hargeysa, Somaliland