4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 19, 2016
C/WELI GAAS: Lama oran karo Shirkii Qaran ee Kismaayo Guul-darro ayuu kusoo Dhammaaday


Talaado, Janaayo 19, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo garoonka diyaaradaha Boosaaso kula hadlayay warbaahinta ayaa ka Warbixiyay Shirkii wadatashiga Qaran ee Kismaayo uu kaga Qayb-galay iyo aragtidiisa ku aaddan dhaqamada xukuumadda Iiraan.

Cabdiweli Gaas ayaa ayaa sheegay in shirkii uu uga qayb-galay Kismaayo ee looga hadlay Hannaanka Geeddi-socodka doorashooyinka dalka, isagoo hadalkiisa ku daray inaan lagu tilmaami karin shirkaas mid fashilmay, qodobbadii shirkaasna aysan ahayn kuwo si fudud natiijo looga gaari karo.

“Runtii lama oran karo fashil ayuu shirku kusoo dhammaaday, waayo waxaa looga hadlay waa ayaaha dalka, wax sahlana ma ahan. Waxaana rajeynayaa ugu dambeyn wax Puntland iyo Soomaali oo dhan dani u ah inay shirarka socda ka soo bixi doonaan,” ayuu yiri Gaas.

Sidoo kale, madaxweynaha Puntland ayaa xusay inay madasha shirka geeyeen aragti dadka Puntland ee ku saabsanayd in deegaan wax lagu soo doorto; iyadoo aan Qarannimada iyo midnimada Soomaaliya la illoobayn.

“Xukuumad ahaan waxaan idiin sheegaynaa in aanu shirkaas geynay mawqifkii ay qabaan Shacabka Puntland, Dabcan Shacabka Puntland waxay noo wakiisheen in aanan Soomaali ka go’in, wixii Somalia dan u ahna aanu meesha shirka,” ayuu hadalkiisa ku daray C/weli Gaas.

Madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas ayaa sheegay in maamulka iyo shacabka Jubbaland ay uga mahad-celinayaan marti-gelinta shirka iyo mas’uuliyiintii kala duwanaa ee ka qayb-galay, isagoo muujiyay rajo ah in kulammo kale ay madaxda Soomaaliya isugu soo laaban doonaan, si loo dhameystiro hannaanka doorasho ee dhacaysa ay noqon doonto.

Ugu dambeyn, C/weli Gaas ayaa ka Hadlay Mowqifka Puntland ee Iiraan, isagoo sheegay inaanay marnaba ogolaanayn in Puntland lagu Faafiiyo Madhab-ta Shiicada, sidoo kalena aanay ogolaan doonin in Somalia lagu faafiyo Shiicada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya