4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 19, 2016
Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka Qayb-galaya Caleemo-saarka Guddoonka Baarlamaanka KGS


Talaado, Janaayo 19, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, halkaasoo ay uga Qayb-galayaan Caleemo-saarka guddoomiyaha baarlamaanka Maamulka Koonfur-galbeed iyo ku xigeennadiisa.

Wafdi uu hoggaaminayo Xasan Sheekh ayaa waxaa ka mid ah xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somalia, waxaana Garoonka Diyaaradaha Baydhabo kusoo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya oo uu ka mid ahaa madaxweynaha maamulkaas Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xafladda Caleemo-saarka guddoomiyaha baarlamanka Koonfur-galbeed Somalia, C/qaadir Shariif Sheekhnaa Maye ayaa ka socota magaalada Baydhabo, iyadoo ay ka qayb-galayaan mas’uuliyiin kala duwan oo ka socda maamul-goboleedyada dalka iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Madaxda ka Qayb-galaya caleemo-saarkan ayaa Waxaa ka mid ah; Guddoomiyaha Golaha Shacabka Somalia, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari, Xubno ka socda Maamulka Jubbaland oo uu ka mid yahay guddoomiyaha baarlamanka & madaxweyne ku xigeenka maamulkaas.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu filayaa Cnuu caleemo-saarka ka jeediyo khudbad ku saabsan xaaladda wadanka uu marayo iyo kaalinta laga doonayo inay maamul-goboleedyada dalka ka qaataan sidii dalka ay doorasho uga dhici lahayd Sannadkaan daba-yaaqadiisa.

Xildhibaannada baarlamaanka Koonfur-galbeed oo ka kooban 145-xubnood ayaa u doortay horraantii bishan Jannaayo guddoomiye baarlamaanka, C/qaadir Sheekhunaa Maye, iyagoo guddoomiye ku xigeenka kowaad u doortay Maxamed Nuur Macallin Ibraahim, halka ay u doorteen guddoomiye ku xigeenka labaad, Aweys Macallin Xuseen.

Ugu dambeyn, Xulista xildhibaannada Baarlamaankan maamulka Koofur-galbeed ayaa soo martay marxalado kala duwan, iyadoo Xildhibaannada Baarlamaankan laba jeer dhaariyay, taasoo sabab looga dhigay muddada xulista xildhibaannada oo dhammaad ahayd.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya