4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 19, 2016
HARGEYSA: Kooxo hubeysan oo xalay dilay Nin kasoo jeeda Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya


Talaado, Janaayo 19, 2016 (HOL) — Magaalada Hargeysa ee ah xarunta Somaliland ayaa waxaa xalay lagu dilay nin la sheegay inuu kasoo jeedo Dawlad-deegaanka Soomaalida ee Itoobiya; iyadoo dilkiisa uu Saxaafadda u xaqiijiyay guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, Maxamed Maxamuud Cali.

Guddoomiyaha Maroodi-jeex ayaa sheegay in dilka Ninkaan uu dhacay 8:30 habeenimo ee xalay, dilkiisana loo adeegsaday biskoolad. Waxaana ay isla markiiba ciidamada Amaanka Hargeysa ay billaabeen baaritaanno ay dad la tuhunsan yahay kusoo qab-qabteen.

Sidoo kalen, Guddoomiye Maxamed Maxamuud ma uusan sheegin magaca ninka la dilay iyo sababta loo dilay midna, wuxuuse xusay in kooxaha dilkii geystay ay markiiba goobta ka baxsadeen.

Dilka Ninkaan kasoo jeeda Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli bil ka hor lagu dilay magaalada Hargeysa nin kale oo isna ka soo jeeda isla Deegaanka Soomaalidu dagto ee Itoobiya, iyadoo sidan oo kale dad badan loogu qabqabtay dilkiisa.

Guddoomiyaha Maroodi-jeex ayaa Hadalkiisa ku daray in dhacdooyinkaan ay yihiin kuwo ku cusub Hargaysa. Inkastoo Jabhadda ONLF ee dagaalka kula jirta xukuumadda Itoobiya ay horay ugu eedeysay Somaliland inay Xukuumadda Itoobiya u gudbiysay dad Soomaali ah oo kasoo jeeda Deegaanka Somalidu dagto ee Itoobiya, inkastoo ay Somaliland ay iska fogeysay eedeyntaas.

Ugu dambeyn, xiriirka Somalilnad iyo Dowlad-deegaanka Soomaalida ee Dalka Itoobiya ayaa Xoogeysanayay Sannadihii u dambeeyay, iyagoo Dhammaadkii Sannadkii hore kala sixiixday heshiisyo fara badan oo ku ay ku jireen kuwo aaddan iskaashiga ammaanka iyo dhaqaalaha.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya