4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 19, 2016
Millateriga Kenya oo shaaciyay inay baarayaan in Daacish ay ku lug lahayd Weerarkii Ceel-cadde


Talaado, Janaayo 19, 2016 (HOL) — Saraakiisha Milatariga Kenya ayaa wada baaritaanno ku aaddan in kooxda la magac-baxday khilaafada Islaamka ee ka dagaalanta dalalka Ciraaq iyo Suuriya ay gacan ku lahayd weerarkii Jimcadii lasoo dhaafay lagu qaaday saldhiga ay ciidanka Kenya ee AMISOM ka tirsan ay ku lahaayeen deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo.

Al-shabaab ayaa goor sii horreysay kooxo ka tirsan waxay ku dhawaaqday inay ku biireen ururka ISIL oo dhaq-dhaqaaqyo xooggan ka wada dalalka Bariga Dhexe iyo Qaybo ka mid ah caalamka, kuwaasoo fuliyay weerara khasaare badan geystay.

Taliyaha guud ee ciidamada booliiska Kenya Joseph Boinet ayaa bishii December ee 2015-kii; shaaciyay in Al-shabaab ay laba garab u kala jabtay kuwaasoo midkood uu daacad u yahay kooxda ISIS halka kooxda kalena ay gacan saar la leeyahay shabakadda Al-Qaacida.

Sidoo kale, Illo madax-bannaan oo soo xigtay millateriga Kenya ayaa sheegay in weerarkii Ceel-cadde loo fuliyay habka ay xoogaga ISIL weerarrada uga fuliyaan wadamada Ciraaq, Suuriya iyo waddamo kale.

Hase ahaatee, waxaa socda baaritaanno ay millateriga Kenya ku sameynayaan lugtii ay ku lahayd Daacish weerarkii lagu laayay askar ka tirsan ciidamada Kenya oo aan tiradooda la cayimin, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen inkastoo kooxda Al-shabaab ay sheegatay inay 100-askari in ka badan ay ku dishay weerarkaas, tiro kalena ay nolasha ku hayaan.

Dhanka kale, waxaa socda howlagallo lagu samata-bixinayo ciidanki ay weerarkaas kaasoo gaareen dhiashada iyo dhaawaca, kaasoo ay mas'uuliyadiisa sheegatay Al-shabaab; iyadoo qeyb ka mid ah askarta la dilay iyo kuwii la dhaawacay la geeyay magaalada Nairobi.

Ugu dambeyn, diyaaradaha dagaalka dalka Kenya ayaa duqeymo la beegsaday fariisimo ay xoogaga Al-shabaab ku leeyihiin gudaha Somalia gaara ahaan deegaano Ceel-cadde aan ka fogeyn, taasoo daba-socotay hanjabaadii ay millateriga Kenya ku sheegeen in Al-shabaab ay ka aarugudi doonaan ciidamadii looga dilay weerarkii saldhigga Ceel-cadde.

Cumar Muxumad (Cumar Kiyow)
E-mail:
[email protected]   
Johannesburg, Koonfur Afrika