4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 18, 2016
TOGDHEER: Ciidamada Somaliland oo Maanta Xiray Wariye iyo Taliye ka Warbixiyay Xariggiisa


Isniin, Janaayo 18, 2016 (HOL) — Ciidamada ammaanka gobolka Togdheer ayaa manta u taxaabay xabsiga Wariye C/maalik Muuse Coldoon oo ka mid ah suxufiyiinta ka howlgala Gobolka Togdheer.

Wararka ayaa intaas ku daraya in xadhiga wariye Coldoon ku wehelinayo sawir qaadihiisa oo la yidhaa Diiriye, waxaana la sheegay in Ciidanku la Wareegeen Xafiiskiisii Iyo waliba qalabkii Warbaahineed ee meesha yaalay.

Dhinaca kale, Taliyaha Qaybta Booliiska Togdheer, Axmed Maxamuud Guutaale oo goor dhowayd HOL khadka telefoonka ugu warramay ayaa sheegay in wariye Col-doon xidhan yahay, isla markaana loo haysto eedeysanne baadhistiisu socoto oo uu jeelka waraysi uga qaaday.

“Wariyaha wuu xidhan yahay, waxaana u xidhnay kaddib markii nin dambi loo haysto oo baadhistiisu dhamaan ku dhex waraystay jeelka dhexdiisa taas oo ah mid ka hor imanaysa qaynuunka,” ayuu yiri taliyaha qaybta gobolka Togdheer Guutaalle oo u waramayay HOL.

Sidoo kale, mar aanu waydiinay sababta maanta wariyaha loo xiray maadaama waqtigii uu qaaday waraysiga ay muddo kasoo wareegtay ayaa ku jawabay. “Mudadaanba baadhitaano baanu ku jirnay, imika maxkamad baa loo gudbinayaa wariyiaha; waxaana loo haysta inuu qaynuunka ku gefay oo qof baaritaankiisa lagu gudo jiro waraysi ka qaaday, sharciguna ma ogola.”

Ugu dambeyn, mar ay HOL weydiisay taliyaha in wariyaha waaran maxkamadeed lagu soo xiray iyo in kale, ayuu ku jawaabay; waaran maxkamadeed ayaanu ku soo qaateen xadhiga wariyaha, isla markaana wariyaha laftiisa baadhitaankiiisu socdo.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]                                
Hargeysa, Somaliland