4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 18, 2016
SHARMA’ARKE: Waxaa noo qorsheysan in aan ka saarno Shabaab meelaha ay ka joogaan Dalka


Isniin, Janaayo 18, 2016 (HOL) — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa si adag u Cambaareeyay Weerarkii ay Al-shabaab Jimcihii lasoo dhaafay ku qaadday saldhigga ay ciidamadda AMISOM ee ka socda dalka Kenya iyo kuwa xoogga dalka Somalia ku lahaayeen deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo.

“Waxaan tacsi u dirayaa ehelada ciidamadii lagu dilay weerarkii Ceel-Cadde, Shacabka iyo Jamhuuriyadda Kenya. Ciidammada AMISOM waxay Somalia u joogaan dib u soo celinta xasilloonida iyo nabad kusoo dabaalida guud ahaan Somalia,” ayuu yiri RW Sharma’arke.

RW Sharma’arke ayaa intaas ku daray in weerarrada naf-la-caariga ah ee ay Al-shabaab ka gesanayso Somalia aysan ka weecin doonin Horumarka ay gaareyso, isagoo Xusay in guud ahaan Somalia waqti dhow laga sifeyn doono kuwa nabad-diidka ah.

“Sida muuqata argagixisada waxaa saaran culeys weyn; kuwaasoo laga saarayo goobihii ay Dhuumaaleysiga ku joogeen, taasoo ka dhalatay hawlgallada millateri ee sida wanaagsan u qorsheysan iyo guulaha ay ka gaareen ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM. Sidaa awgeed Al-shabaab waa naf-la-caari doonaya inay dhibaatooyin dalka ka abuuraan,” ayuu Hadalkiisa kusoo Gunaanaday ra’iisul Wasaare Sharmaarke.

Ugu dambeyn, weerarkii ay Al-shabaab ku Qaaday Jimcihii hore saldhigyada ay ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ee Kenya ay ku lahaayeen Ceel-cadde oo ka Tirsan gobolka Gedo ayay sheegtay Al-shabaab inay ku dishay 100-askari oo ciidamada Kenya ka tirsan, Halka Kenyana ay sheegtay in 80 Askari ay uga waxyeelloobeen weerarkaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya