4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 18, 2016
Dood ku Saabsanayd Nabadda iyo ka Hor-tagga Qabyaalladda oo Degmada Xuddun lagu Qabtay

Isniin, Janaayo 18, 2016 (HOL) — Dood-cilmiyeed Nabadda iyo xakamaynta Qabyaaladda ku Saabanayd oo uu soo Qaban-qaabiyey Ururka Dhallinyarada Horseed ayaa lagu Qabtay degmadda Xuddun oo ka tirsan gobolka Sool.

Doodan oo loo qabtay culummada, waxgaradka iyo odayaasha degmada Xudun ayaa looga Dooday sida ugu Habboon ee looga wada-shaqeyn karo Amniga guud ee Bulshada ku nool Xuddun iyo qaabka loo xakamayn karo Qabyaaladda oo hoos ugu sii Daa-degtay illaa Heer Jufo-hoose ah.

Waxgaradka iyo culumaa’udiinkii ka qayb-galay Dood-cilmiyeedkan ayaa isku af-gartay in marka hore xal loo helo xur-gufaha la xiriirta Aanada Qabiil ee ka jirta Deegaanka, markaa kaddibna loo hawlgalo sidii bulshada qaybaheeda loo wacyi-gelin lahaa.

Mar ay ka hadleen xaaladaha xilligan taagan ee dhinaca amniga degmada ayaa waxgaradkii ka soo Qayb-galay Barnaamijkaan ku Cambaareeyeen Maamulka Somaliland inuu Qayb ka yahay xaaladaha Amaan-daro xilligan ka jira degmada Xuddun.

Sidoo kale, C/llaahi Cawad Guuleed ayaa sheegay in maamulka Somaliland ay ku Hayaan jeelashooda nin dahalinyaro ah oo dil ka gaystay Xudun, kaasoo ay beelaha ay ka dhaxayso arrintani dalabaad badan ka u gudbiyeen maamulka Somaliland inay ninkaas dhalinyarada ah kusoo wareejiyaan si ay uga wada-xaalaan dilkii dhacay.

“Waxaanu og-nahay in Somalland ay doonayso inay Colaado ka Dhex-abuurayso bulshada dhalasho wadaagta ah ee ku dhaqan degmada Xuddun,” Sidaas Waxaa yiri C/llaahi Cawad oo ku hadlayay magaca ganacsatada iyo culumada degmada Xuddun.

Ugu dambeyn, dood-cilmiyeedkan lagu qabtay Degmada Xuddun ayaa imaanaysa iyadoo ay deegaanadaas ka jiraan isku day nabadeed oo ay kawadaan Isimada beelaha daga Sool iyo Sanaag, gaar ahaan degmada Taleex.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool