4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 16, 2016
Xukuumada Burkina Faso oo sheegtay in ay soo Af-jartay Weerarkii Splendid Hotel (SAWIRRO)


Sabti, Janaayo 16, 2016 (HOL) — Xukuumadda Burkina Faso ayaa sheegtay inay lasoo af-jaray howlgalkii hoteelka Splendid oo ay kooxo hubeysani shalay Gellinkii dambe Weerar ku qabsadeen.

Wasiirka arrimaha gudaha Burkina Faso ayaa sheegay in lasoo af-jaray maanta hawl-galkii ka socday hoteel ku yaala caasimadda dalkaas ee Ougadougou, iyadoo Weerarkaas 23-qof lagu dilay, lana badbaadiyay 126-qof oo kale.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in saddex ka mid ah kooxihii weerarka qaaday lagu dilay howlgalka, isagoo intaas ku daray inay weli socdaan howlgallo qaas ah oo ka socda gudaha Hoteelka.

Koox taageersan ururka Al-Qaacida oo ka howlgala Woqooyiga Afrika ayaa sheegay inay mas’uuliyad ka yihiin weerarka, Inkastoo mas’uuliyiin kale oo Dowladda Burkino Faso ka tirsan ayaa sheegay in weli laga maqlayo rasaas ka dhacaysa hoteelka gudihiisa.

Ciidamo khaas ah ayaa lasoo sheegayaa inay ka qayb-qaadanayaan howlgalka lagu soo af-jarayo weerarka oo khasaaro badan dhaliyay. Waxaana hoteelkaas lala weeraray maqaayad ka ag-dhaweyd.

Madaxweynaha Faransiiska, Francois Hollande oo Ciidammadiisu ay qayb ka yihiin Hawl-galka ka dhanka ah kooxda qabsaday Hoteelka Splendid oo ku yaalla bartamaha magaalada Ougadougou ayaa cambaareeyay weerarkaas, kuna tilmaamay mid fulaynimo ah.

Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta Burkina Faso, Remi Dandjinou oo isagana la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in dabley tiro ahaan u dhexeeya toddobo illaa lix ruux oo rag ah oo degnaa hoteelka ay ka dambeeyeen weerarka.

Remi Dandjinou ayaa wuxuu intaas ku daray in mas’uul ka tirsan dowladda uu ka mid ahaa dadka halkaasi laga soo badbaadiyay, iyadoo isbitaallada Xarunta dalkaas lagu Daweynayo 33-qof oo weerarkan lagu dhaawacay.

Goob-joogayaal ayaa iyaguna dhankooda sheegaya in kooxaha hubeysan ay markii hore la wareegeen gacan ku haynta maqaahi kafeega lagu cabo oo u dhaw hoteelka; halkaasoo ay markiiba dhowr qof ku dileen.

Ugu dambeyn, Hoteelkan la weeraray ayaa ku yaallaa meel u dhaw Garoonka Diyaaradaha magaalada Ougadougou, waxaana weerarkan uu noqnayaa midkii ugu horreeyay oo kooxo hubeysan ay ku qaadaan hoteel ku yaalla Burkina Faso.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya