4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 16, 2016
Gobolka Togdheer oo Maanta ay ka billaabatay Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha Somaliland (Sawirro)


Sabti, Janaayo 16, 2016 (HOL) — Somaliland ayaa waxaa maanta rasmi ah uga billowday Diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha doorashada ka dhici doonta Somaliland bisha Maarso ee sanadka soo socda ee 2017-ka.

Aroornimadii hore ee saaka ayaa waxaa laga billaabay diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha 163-goobood oo ku yaalla guud ahaan gobolka Togdheer; iyadoo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland, C/qaadir Iimaan u sheegay BBC-da in Diiwaan-gelintu ay si wanaagsan u socoto.

Gobolka Togdheer ayaa noqday Gobolkii ugu horreeyay oo laga billaabo diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Somaliland, iyadoo Diiwaan-gelinta loogu talo-galay in min muddo hal bil ah ay ka socoto cod-bixinta lixda gobol ee Somaliland.

Sidoo kale, gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in la diiwaan-gelinayo dadka da'doodu ay ka sarreyso weyn tahay 16-ka Sano ee Somaliland u Dhashay ama muddo deggenaa.

Dhanka kale, goob walba oo ka mid ah goobaha diiwaan-gelintu ka socoto ayaa waxaa ku sugan; wakiilo ka kala socda saddexda xisbi ee Somaliland – KULMIYE, WADDANI iyo UCID. Waxaa kaloo iyagana goobaha diiwaan-gelinta jooga shaqaale ka kooban ardayda Jaamacadaha iyo ciidanka ammaanka, iyadoo qof kasta laga qaadaya faraha iyo Sawirrada indhaha; iyadoo la isticmaalayo qalab casri ah oo koombiyuutar ku shaqeynaya.

Waxaa la sheegay in dhaqaala ku baxaya diiwaan-gelinta ay iska kaashanayaan bixinteeda Xukuumadda Somaliland iyo deeq-bixiyaasha caalamiga ah oo uu ku jiro Ururka Midowga Yurub.

Xisbiyada Somaliland ayaa Xisbi walba wuxuu sameeyay abaabul weyn oo uu ku keenayo taageerayaashiisa goobta u dhow deegaan kasta oo ay diiwaan-bixintu ka socoto.

Ugu dabmeyn, gobolka Togdheer oo ay hadda ka billaabatay diiwaan-gelinta ayaa marka ay soo dhammaato waxaa ku xigi doona gobolka Awdal, kadibna gobolka Saaxil.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya